Dhaqaalaha Ay Ku Bixiso Hay’ada UNFPA Cusbitaalka Gabiley iyo Lacagaha Laga Qaado Hooyada Umusha Ama Qaliin Lagu Sameeyo. W/Q:- Somali Activist Nouman M Muse

Dhibaatooynka Laxaadka leh ee ka jira Cusbitaalada iyo MCH yada Somaliland ayey tanina qayb ka tahay, waa arrimo u Baahan in Xukuumada Somaliland iyo masuuliyiinta Caafimaadka umada ugu magacaabani hoos u eegaan culeyska la saarayo Hooyada Umusha ah ama Qaliinka lagu Sameeyo ee aan tahli Karin inay bixiso dhaqaale aaney awoodin, Dunida ay la socono Hooyada umusha ama uurka leh ayaa iyada lasiiyaa dhaqaale lagu ilaaliyo inta ay Umusha tahay, halka dalkeeniina laga qaadayo lacag Xaaraan ah oo Qayrul Sharci ah.

Sidaan idiin balan qaadey waa kan mashruuca UNFPA hospitalka gabiley ka wadey, fadlan adoo dagan akhriso si aad u fahanto.

$350 dollar ayaa laga qadaa dumarka ku umula hospitalka gabiley ee qaliinka gala halka dumarka caadiga u umulana (normal delivery) waxa laga qaada $30 dollar, Halka mashruuca UNFPA ay ka wado hospitalka gabiley gaar ahaan waadhka umulaha (Maternity word) loogu talo galey dumarka umulaya iney helaan adeeg bilaash free_services wax lacagana aan la weydiin, si loo dhiiri galiyo dumarka ku umulaya xarumaha caafimad ka iyo hospitalada, loona yareeyo dumarka guriga ku umuleya si looga hor tago khataraha badan ee la soo darsa dumarka umulaya sida dhiig Baxa.

Mashruuca UNFPA waxa ka mushaar qaata shaqalaha ka shaqeeya waadhka umulaha sida dhakhatiirta, Nurse, midwife iyo dhamaan shaqaalaha kale waaxda umulaha ka shaqeeya. Waana shaqaale loogu talo galey iney habeen & maalin is badalaan si ayna dumarka umulaya uga umuliyaan sida oo kale u daryeelaan. mushaar wacana way qaata shaqaalahasi, tusaale ahaan halka dhakhtar waxey haayada UNFPA ugu talo gashey #700 dollar, halka umulisada iyadna la siiyo 300dollar, Halka xaaska agaasimaha iyo dhawr qof oo kale oo uu wato iyaga aan waxba laga celin ee ay toos u qataan lacagta usoo dhacda ah $300dollar mashruuca UNFPA. Halka qaar ka mida laga jaro $150 dollar.

Nasiib_daro  mashruuca sida loo qorshey looma fuliyo, tusaale ahaan haayada UNFPA marka ay shaqaalaha ka shaqeeya hospital gaar ahaan waadhka umulaha (Maternity word) $300 dollar, uguna soo shubto zaad ka shaqaalaha iyada la soo dhex marinayo Xawada Amal Express & telesom, waxa shaqaalaha $300 qaata lagu qasbaa $150dollar uu dib usoo celiyo, shaqalaha lacagtaasi markey ay gaadho zaadka shaqaalaha ku dhacdo dib ayey usoo celiyaan waxaana toos loogu diraa number gaar ka ah ee agaasimaha hospitalka gabiley, Shakhsiga soo celin waaya Waxa laga qadaTalaaboyinka hose.
1#) in shaqada laga saaro, Hadii ay dhacdo In Cid uun so celisana, gunada haayada ayaa laga jaraa.
2) shift aanu haleelayn ayaa lagu qoraa tusaale ahaan haday tahay hooyo caruur korisa Waa habeen kii Inay Soo gashaa,
3) siminarada lacagta Leh haayadaha kala duwan qabtaan fursad looma siiyo. Dhamaan qodabadaas ay shaqaalaha caafimaadka nala wadageen waxay muujinayan masgax dil shaqsi loogeysanayo.

Waxa kale jira daawo ay bixiso haayada UNFPA kana mida mashruuca hospitalka gabiley gaar ahaan waadhka umulaha (Maternity_word) waxaana ka mida dawadaasi infusion kala dawan, oxytocin & cudbiyada kala duwan ee laga isticmaalo Maternity wordka, waxay shaqaalaha hospitalka gabiley noo xaqiijiyeen bulshada dhaman laga iibiyo, sida oo kale lagu iibiyo pharmacy siga gaarka ah ee uu uu lee yahey agaasimaha hospital ka gabiley tusaale ahaan daawada Oxytocin waxa aad ka heleysa pharmacy agaasimaha hospital gabiley lagaga iibinaya hadaad hospitalka gabiley ka iibsatana waxa aad lacagta ku direysaa number khaaska ee agaasimaha hospitalka gabiley.

Waxa kale qaar ka mida shaqaalaha caafimaadka hospital gabiley ilawadageen shaqaalaha ka qaata gunada haayadaha kala duwan heshish lala galey lana galeen maamulka hospitalka taas oo ah iney mushaarka qeyb soo celiyaan shaqsiga diida ama dood ka keena liiska haayada loo gudbinayo lagu ma daro ee gunada ka helaya haayadaha kala duwan hospitalka taageera. Mashruucan UNFPA marka shaqaalaha loo qaadanayey waxa kala qeybsadey agaasimaha hospitalka gabiley & agaasimaha guud wasarada hormarinta caafimaadka somaliland, tusaale ahaan todoba ka mida shaqalaha oo mashruuca guno looga qorey 4kamida waxa soo qortey agaasimaha hospitalka gabiley, halka 2kamida uu agaasimaha guud wasarada hormarinta caafimaadka soo qortey, halka soo hadheyna wasiirka isgaadhsiinta uu soo qorey isaga oo agaasimaha guud soo dhexmarshey. Waxay shaqaalaha caafimaadka ii xaqiijeen habeenka shaqaalaha la qaadaneyey lagu qorayey guriga agaasimaha guud ee wasarada hormarinta caafimadka somaliland.

Dhakhatiirta ka Mushaarka qaadan jirtey bilawgii hore mashruuca UNFPA waxa ka mid ahaa isuduwaha waasarada hormarinta caafimadka gobalka gabiley, oo isaga ka shaqeyn waadhka umulahjia la siin jirey, kuna heshiiyeen agaasimaha hospitalka, dhawr bilood marka uu ka mushaar qaatey waxa khilaaf soo kala dhex galey agaasimaha hospital gabiley. Agaasimaha hospital gabiley waxa uu ka joojiyey isuduwaha waasarada gabiley lacagta Gunada ee haayada UNFPA ay bixineysey, waxaana lacagtaas hada la siiyaa laba qof oo kale oo shaqaale ah sida agaasimaha maamulka iyo lacagta & suuxiyaha hospitalka gabiley, horena u qaadan jirey lacag guno 3 ilaa 4million shilling. Halka ay ka aheyd in dhakhtar kale lagu badelo, taasina waxey sii cadeyneysa musuqmaasuqa is daba marinta ka jirta hospitalka gabiley, waxa kale oo ay sii cadeyneysa awoodaha agaasimaha hospitalka gabiley kagana awoodbadan yahey gobalka isuduwaha waasarada hormarinta caafimadka gobalka gobalka gabiley.

Lacagta shaqaalaha laga soo celiyo mashruuca UNFPA waxa ka mida dadka la siiyo Xaaska agaasimaha hospital gabiley, Sida ay shaqaalaha caafimaadka gabiley ila wadageen, xaaska agaasimaha hospital gabiley waxey ka mushaar qadataa dhawr haayada oo hospitalka gabiley siyaabo kala duwan u taageera sida:
Mashruuca_UNFPA_Maternity word,
Mashruuca Nutrition ka ee UNICEF, #Mashruuca _baahi kaab lagu daryeelo dumarka la kufsado waxay ka qadata $500
mushaarka iyo gunada dawlada, mana shaqo timaado gurigeeda ayey lacagtu ugu dhacdaa sida ay ii xaqiijiyeen shaqaalaha hospitalka gabiley, dhawr maal mood ka hor waxay qaadatey lacag qadarkeedu gaadhayo 3900 dollar mushaareedked oo is gaadhey ah, hal malina umey shaqo tagin hospitalka gabiley. Halka agasimaha hospital ka gabiley oo ah odeygeeda uu isna ka mushar qaato dhawr hayaadood.

Haayada UNFPA waxey ubixisaa daawada, mushaarka, dhakhatiirta, iyo shaqaalaha kale Maternity wordka, ilaa nadiifisa. Iney hooyada umulisaa hesho adeegbilaasha kuna umusho lacag la aan. Nasiib daro hooyada $350 dollar ayaa dib looga qadaa hospitalka gabiley. Halka hargeysa 50km Hargeysa group hospital uu bilaash tahey, wax lacagana laga qaadin, taasi waxey keentey dumar badan oo ku umulayey deegmada gabiley hoosyimaada hargeysa loola soo carara halka kuwa galbeedka iyo waqooyiga gabiley loola cararo boorama, xogta aan heleynaa waxay tibaaxayaan iney qaar kamida dumarkaasi isku dhinteen inta gobalada kala dawan loola cararayey jidkana ku jireen sida hargeysa iyo boorama.

Hospitalka Gabiley Bisha ugu yaraan 20 dumara ayaa qaliin gala dumarka ku umuleysa hospital ka gabiley, midkiiba ugu yaraan 350 dolllar ayaa laga qadaa $1500 dollar kharash ayuu noqdaa halka $4500 dollar ku dhacdo jeebada agaasimaha hospitalka gabiley. Lacag dawo kama baxdo, mushaar shaqaalena kama baxo waayo Waxaas oo dhan waxaa bixisa haayada UNFPA ee hospitalka qacanta ku heysa waadhka umulaha. Waxa xogtan nala wadaagey shaqaalaha wasarada hormarinta caafimadka somaliland heer gobal ilaa heer Qaran kana soo xaqiijiney.

Somali Activist
Nouman M Muse