Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Ingriiska Oo Basaasa Dadka Laga Tirada Badan Yahay Ee Ku Nool Dalkiisa

Hay’adaha u dooda xaquuqul Insaanka ee dalka Ingiriiska ayaa banaanka soo dhigay barnaamij qarsoodi ah oo ay dowlada UK u adeegsato basaasida iyo xakameynta bulasha laga tiro badan yahay sida Muslimiinta dalkaasi.

Ururka u dooda xaquuqda Rayidka ee loo yaqaan Liberty ayaa xogtan shaaciyey, barnaamijkan oo ay dowlada UK sheegtay inay uga hortageyso kooxaha xagjirka ah iyo dhalinta u nugul xajirnimada, waxayna xukuumada si qarsoodi ah u kaydin jirtay xogta xasaasiga ah ee shacabka aan wax danbi ah gelin tani oo ka duwan qorshihii barnaamijkan loo aasaasay.

Dad badan oo aan danbi gelin ayaa la sheegay in xukuumada xogtooda ku kaydisay barnaamijkan oo ah mid ay dowlada u adeegsato in shaqaalaha dowlada iyo hay’adaha adeega bulshada sida macalimiinta ay kusoo gudbin karaan dadka ay uga shakiyaan xagjirnimada, hase yeeshee waxaa muuqata in barnaamijkan ay dowlada u adeegsato inay basaasto dadka kasoo jeeda dadka u dhashay bulshada laga tiro badan yahay.

Baaritaan horey loo sameeyey ayaa lagu ogaaday in qofka muslimka ah uu 50 jeer ugu nugul yahay in dowlada ay ku darto diiwaanka dadkaasi ay xogtooda kaydsato.

Ururada u dooda muslimiinta Uk ayaa sheegay in dadka muslimiinta ah ee diiwaankan lagu daro xataa hadii aysan ahayn kuwo ku lug leh falal xagjirnimo ama danbi gelin hadana noloshooda ay saameyn weyn ku yeelato cadaadiska uga yimaada hay’adaha dowlada.

%d bloggers like this: