Jordan Oo Israil Ka Dalbatay In Ay Sii Dayso Gabadh Ay Xabsiga Dhigtay

Wasaarada arimaha dibada Jordan ayaa ugu baaqday ciidanka amniga Israel in ay sii daayaan laba ka mid ah muwaadiniinta Jordan oo lagu xiray iyaga oo ka gudbaya xadka dalkaasi uu la leeyahay daanta Galbeed.

Afhayeenka wasaarada arimaha dibada Sufyaan Al-Qudah ayaa sheegay in safiirka Tel Aviv u jooga Jordan looga dalbaday in si deg deg ciidanka Israel ay u sii daayaan Xeeba Cabdulbaaqi iyo Cabdiraxmaan Maari.

Dhanka kale kulankan ayaa intii uu socday ayaa qadka taleefanka waxaa ku wadahadlay saraakiil ka tirsan labada wadan, sida ay tabisay warbaahinta Petra.

Qudah ayaa dhanka kale sheegay in Jordan ay ka soo horjeedo talaabada ay ciidanka Israel ku xireen muwaadiniinteeda ayna dib u baari doonto sababta ka danbeysa.

War saxaafadeedka ka soo baxay wasaarada arimaha dibada Jordan ayaa dhanka kale lagu sheegay in talaabadan ay shaki gali doonto xiriirka ay la leedahay Israel.
Xeeba Cabdulbaaqi oo ah muwaadinad u dhalatay Jordan ayaa heysata dhalashada Falastiin waxaana la sheegay in xaaladeeda caafimaad ay caadi wanaagsan tahay tan iyo markii la Xiray.