Madax-dhaqameedka & Waxgaradka Gabiley Oo Madaxwaynaha Jabuuti Ka Tacsiyadeeyay Geerida Ku Timid Walalkii Marxuuum Sacad Cumar Geele.

INAA  LILAAHI WA,INAA ILAYHI RAAJUCUUN.

GABILEY(GNN):-Madax-dhaqameedka,Waxgaradka Iyo Siyaasiyiinta Gobolka Gabiley Ayaa dhambaal tacsi Ah udiray shacabka jamhuuriyada jabuuti, Madaxwayne Ismaaciil cumar geele iyo Qoyska uu ka baxay Marxuum Sacad Cumar Geele oo maalintii shalay ahayd ku geeriyooday dalka Faransiiska, kana mid ahaa Masuuliyiinta Qaranka, Boqor Muxumed Geele Seed oo kamid ah Madax-dhaqameedka Somaliland gaar ahaan gobolka gabiley oo ku hadlaya afka shacab gobolka gabiley, ,madax-dhaqameedka Somaliland iyo waxgaradka hoosta ku qoran yihiin magacyadoodu ayaa ugu horay tacsi udiray shacabka reer jabuuti, madaxwaynaha iyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuumku “Aniga oo ku hadlaya afka madax-dhaqameedka somaliland ka shacabka reer gabiley waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa madaxwaynaha dalka jabuuti ismaaciil cumar geele oo walaalkii marxuum sacad Cuma Geele ku geeriyooday dalka faransiiska iyo Xaaskii Uu ka Tagay MARXUUMKU Siraad Ibraahim Bookh Waxaan leeyahay ilaahay Samir iiimaan saadiqa haydinka siiyo Marxuumka Ilaahay Qabriga Ha Unuuro, Dhanka kale Madaxdhaqameedkan iyo waxgaradka gobolka gabiley Ayaa Waxay iyaguna si gaara Geeridan Marxuum Sacad Cumar Geele uga tacsiyadaynayaan Madaxwayne ismaaciil cumar geele oo uu ahaa walaalkii iyo Qoyska uu ka baxay gaar ahaan Xaaskii Marxuumka Siraad Ibraahim Bookh. MAGACYADA MADAXDHAQAMEEDKA IYO ODYAASHA TACSIDA DIRAYA. Boqor Muxumed Geele Seed. Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan Chief Caaqil Dayib Cabdi Ciidle Odoy Xaashi Cismaan Dholaal Oday Muuse Xaaji Muxumed Guuleed(muuse inji) Ex Wasiir Dr Muuse Qaasim Aw Cumar Ex wasiir Shucayb Maxamed muuse Gen Maxamed Xasan Cabdilaahi Jidhif Saleebaan Sheekh Maxamed Saleebaan (Madaxay) Caaqil Cabdi Cumar Caaqil Cabdilaahi Qalinle Fariid. Axmed Cabdi Muuse (Axmed Ini) Axmed Xaaji Barkhad Cawke Jaamac Gadiid Cabdiraxmaan Aadan Jaamac. Axmed Muxumed Cumar. Axmed Cismaan Almis Mustafe Aadan Tahar. Yuusuf Jamaac Xirsi Xasan Xuseen Kibaar. Waxaanu leenahay ilaahay samir iy Iimaan ha,idinka siiyo MARXUUMKANA Janatul Fardowsa Ilaahay Ha Geeyo Aamin Aamin

%d bloggers like this: