Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Madaxweyne Biixi Iyo Guddoomiye Cirro Oo Aan Weli Soo Xulin Xubnaha Guddiga Cusub Ee Doorashooyinka Qaranka

Hargeisa(GNN):-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaan weli soo xulin xubnihii guddiga cusub ee doorashooyinka.

Guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan ayaa Madaxweynaha u gudbiyay labada xubnood ee uu u xulay inay ka mid noqdaan guddiga cusub ee doorashooyinka, labadaas xubnood ayaa kala ah Maxamuud Daahir Jaamac (Dhoodi) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood). Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxweynaha u gudbiyay xubinta uu u soo xulay guddiga cusub ee doorashada oo ah Xasan Yuusuf Ducaale.

Hase yeeshee Madaxweyne Biixi oo uu sharcigu awood u siiyay inuu soo xulo saddex xubnood oo ka mid ah 7-da xubnood ee guddiga doorashada, ayaan weli soo xulin xubnihii uu ugu tallo galay inay ka mid noqdaan guddiga cusub ee doorashada.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaan isna weli gudbin xubinta uu ugu talo galay guddiga cusub ee doorashada.

Sida ay warar xogogaal ahi sheegeen, waxa la filayaa in maalmaha soo socda ay Madaxweynaha iyo Cirro soo dhammaystiraan xubnaha laga sugayo, ka dibna uu Madaxweyne Biixi u gudbin doono golaha wakiilada toddobada xubnood ee uu u ansixiyo inay noqdaan guddiga doorashooyinka qaranka.

Source Geeka.net

 

%d bloggers like this: