Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Madaxweyne Biixi Oo Sheegya Inuu Somaliland Uga Faa’iidayn Doono Marinka Istaraatiijiga Ah Ee Ay Ku Taalo

Hargeisa(GNN):-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inuu doonayo in Somaliland ay noqoto xarun adeegyo siisa dalalka Geeska Afrika iyo guud ahaan Afrika.

Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in Somaliland ay ka faa’iidanayso marinka istaraatajiga ah ee ay ku taalo oo ah meesha ay isaga gooshaan maraakiibta kala duwan ee caalamku. “Horta Somaliland waxay ku taala meel dhaqaale ahaan adduunka istaraataji ah, markaas waxaanu doonaynaa badaas cas ee caalamku inta ugu badan isaga goosho ee uu maro, inaanu qaybta u weyn ee halkaas maraysa u shaqayno, maraakiibta badda maraysa ee baayac mushtarka ah ee dalxiiska ah ee ciidanka ah waxay naga doonayaan ee ay u baahanyihiin ee adeeg ah inaanu u qabano anaguna aanu faa’iido ka helno.” Ayuu yidhi Madaxweyne Biixi oo u waramay Somaliland Now, waxaanu intaas raaciyay “Somaliland waxay haysaa nabad. Qof baqanayaa ma wax ayuu kula qaban, waxaanu ogolnahay inaanu samayno bee’ad uu baayac mushtarkiisu ku socon karo haddii uu maalgeliyo uu xoolihiisa la bixi karo, imika garoonka Berbera aya dhammaaday wuxuu noqonayaa caalami waa 4km tas-hiilaadka ugu weyn ee Geeska Afrika weeye, waxaanu u samaynaa tas-hiilaad; dhaqaale ahaan sharciyda cashuuro caqabadaha oo dhan inaanu khafiifino.”

Ugu dambayn wuxuu Madaxweyne Biixi yidhi “Markas inaanu biriishkaas noqono, oonu u weel tolano oo aanu noqono hab ayaanu u diyaar garoobaynaa, dadkayaga maskaxdoodiina taas ayay diyaar u tahay.”

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network

%d bloggers like this: