Musuqmaasuq Noociisu Ku Cusub Yahay Dalka Oo Ka Dhacay Wasaarada Waxbarashada Somaliland iyo Wakhtiga La Filayo Inuu Dibeda Usoo Baxo.

“Waa Kuwee Masuuliyiinta Ka Tirsan Wasaarada Waxbarashada Ee laga Cabsi Qabo In Uu Galaafto  Xilalkooda Muqus-maasuqa Baahsan ee ka jira!

Hargeisa(GNN):-Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare somaliland oo kamida wasaaradaha ugu facweyn ahna wasaaradii laga rabay inay hormood u noqonto guud ahaan dalka, kuna hogaamiso aqoonta iyo cilmiga ayaa laga Dayrinayaa falalka musuq-maasuq ee ka dhacay sanadihii u danbeeyey gudaha wasaarada.

Waxaa Mudooyinkii ugu danbeeyey isa soo tarayey Guuxa iyo tuhunada dareenada dhaliyey ee soo ifbaxay kadib markii bilihii ugu danbeeyey ay baadhitaano ka bilaabeen xubno ka socoday xafiiska hantidhawrka qaranka jsl.

Baadhi taanada musuq maasuq ee wasaarada waxbarashada hadda lagu guda jiro  ayaa  waxaahore u shaaciyay wasiir wasaarada waxbarshada oo wax laga waydiiyay.

Iswaydiimaha Arrintan la xidhiidha falalka musuqmaasuq ee ka dhex jira wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta sare jsl oo dadka ka agdhow wasaarada iyo shaqaalaheedu si xoogan isula dhexmarayeen todobaadadii u danbeeyey ayaa sababay inaanu raadino xogo iyo baadhintaano qotodheer oo banaanka soo dhigi kara xaqiiqada dhabta ah ee la xidhiidha arrintan.

Waxaana dabagalo iyo baadhitaano qaatay muddo ku dhow bil (Investigative journalism) oo ay isku hawleen saxafiyiin madax banaani soona ogaadeen inuu jiro kana dhacay gudaha wasaarada waxbarashada Somaliland musuqmaasuq baahsan kaasi oo mudo soo socday laguna tilmaami karo inuu yahay kii ugu casrisanaa ee ka dhaca Haayadaha Qaranka.

Falalka Musuqmaasuq ee ka dhacay wasaarada  ayaa kala ah Wax isdaba-marino lagu sameeyey Kharashaadka iyo dakhliga wasaarada, Deeqaha Ay Hay’adaha Xidhiidh Wada-shaqeyneed la lehi ku caawiyaan waxbarashada & bajadka qaybta tacliinta sare oo ka gaar ah Dhakhliga  wasaarada inteeda kale, iyo Lunsi Badheedh ah oo lagula kacay gunooyinka, lacagta shaqaalaha dawlada loo siiyo xaqal ciidka maalmaha farxada. Taas oo sobobtay in sub hedho dhan la waayay halka ay mareen iyo qaabka loo maamulayba,

Sidoo kale xogaha laga helayo masuqmaasuqa baahsan ee ka Jira wasaarada waxbarashada ayaa waxaa kamid shaqaale lagu sheegay in deeq waxbarasho loo diray oo an jirin, iskuulo ay masuuliyiintu sheegeen in ay kab dhaqaale siiso wasaaradu oo aan gabi ahaanba jirin, iyo shakhsiyaad magacyadooda lagula baxay lacago malaayiin ah oo lagu Sheegay inay Barnaamijyo la xidhidha waxbarashada u fuliyeen wasaarada , taas oo inta been abuur  male awaal ah laga sameeyey lacago badan lagu lunsaday.

Dhanka kale baadhitaankan ayaa lagu ogaaday Inuu jiro Musuqmaasuq baahsan oo lagula kaco Tababarada iyo Siminaarada ay lacaga badan ku bixiyaan Hay’adaha ajaanibku, Oo Macalimiinta ama Shaqaalaha la Tababaro waxa gaadha ee la siiyo yoomkii/maalintii (per-day) iyo Xaddiga hay’aduhu kusoo Bixiyaan yahay mid  faraq weyn u dhexeeyo.

Suurtogalka Inuu ka dhaco wasaarada Musuq-maasuq ilaa xaddigaa gaadhsiisani ayaa sababta ugu weyni tahay Isbedelo Badan oo marar kala duwan Madaxweynuhu ku sameeyey Masuuliyiinta wasaarada ugu sareysa una soo magacaabay kuwo cusub iyo kuwo hore usoo qabtay shaqada wasaarada, taas oo lala xidhiidhinayo inay u saamaxday shaqaale hoosaadkii gacanta ku hayey maamulka iyo xisaabaadku inay  ka faa’iideystaan isbedelka maamul iyo wajiyada cusub ee Marba Hogaan ku Noqonayey.

Xidhiidhka koox  dhalinyar oo isku fasal ahaa Wakhtigoodii Waxbarashada jaamacada, imikana Xilalka ugu muhiimsan ee Wasaarada haya ayaa la rumaysan yahay inay tahay ta kaliya ee u suurto galisay in si qarsoodiya loogu takrifalo shaqadii qaranka ee bulshada loo hayey, waxaana arrinta layaabka lehi tahay nooca musuqmaasuqan oo ah mid inagu cusub oo ay adag tahay in tiro masuuliyiin ah oo xilal muhiima ka hayaa wasaarad u heshiiyaan inay wax isdabamariyaan ayaa noqonaysa mid ugub ku ah haayadaha somaliland.

Kooxdan gaarka ah oo aanu waxba kala socon wasiirka wasaarada waxbarashadu, ayaa keentay in dhabihii shaqada iyo maamul wanaaga dhinaca xisaabaadka wasaaradu noqodo mid qaaday jid khaldan oo gabi ahaanba baalmarsan shaqadii qaranka.

Magacyada masuuliyiinta ka cabsida qab inay galaafato arrintani iyo Nuxurka warbixintan oo dhamaystiran waxaad kagaga bogan qaybta 2aad.

La Soco-Qormada tan xigta oo waxbadan kuu iftiimin doonta.

 

Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network
Contactgabileynews@gmail.com