Sharciyaqaano La Kala Saftay Muranka u Dhexeeya Wasaarada Waxbarashada iyo Dugsiyada Gaarka+Saameynta Ay Ku Keeni Karto Ururka Qareenada.

Hargeisa(GNN):Todobaadadii u danbeeyey waxaa muran xoogani u dhexeeyey Wasaarada waxbarashada iyo Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee Somaliland kaas oo gaadhay ilaa heer ay soo dhexgalaan golaha guurtida Somaliland oo go’aamo kasoo saaray.

Murankan ayaa  soo ifbaxay  kadib markii ay wasaarada waxbarashadu soosaartay xeernidaamiye lagu amray dugsiyada gaarka loo leeyahay inay u hogaansamaan.

Xeer-nidaamiyaha oo ay wasaaraddu soo saaray sannadkii 2018-kii isla markaana ku soo baxay digreeto wasiir, ayaa ku waajibinaya Dugsiyada Gaarka loo leeyahay inay iska diiwaan-geliyaan wasaaradda Waxbarashada oo siinaysa Liisanka oggolaanshiyaha ee ay ku shaqaynayaan, iyadoo sanadkiiba hal mar loo cusboonaysiinayo liisanka.

Kadib hadaba markii dhawaan wasaarada waxbarashadu culeys ku saartay dugsiyada gaarka loo leeyahay ee dalka inay dabaqaan xeernidaamiyahan cusub, lagana reebay ardayda kasoo baxday dugsiyada gaarka ah deeqihii waxbarasho oo wasaaradu ku koobtay kaliya iskuulada dawlada ayaa sababtay in muranka iyo khilaafka xeerkani cirka isku shareero.

Waxaana Maalmihii ugu danbeeyey warar isku lidi ah warbaahinta isku mariyey xubno ka tirsan ururka qareenada Somaliland, kuwaas oo qaar ay la safnaayeen dugsiyada gaarka loo leeyahay oo ay difaacayeen halka qaar kalena oo maalintii shalay hadlay ay difaaceen wasaarada waxbarashada iyo xeernidaamiyaha ay ku dhaqankiisa ka biyo diideen dugsiyada gaarka loo leeyahay.

Labadan kooxood ee sharciyaqaanada ah oo mid walba dhiniciisa uu la taliye sharci u yahay cida uu difaacayo oo kala ah wasaarada waxbarashada iyo dugsiyada gaarka ee muranku ka dhexeeyo, ayaa sababay inay isu adeegsadaan garyaqaanadan isu jawaabaya.

Waxaana caawa warsaxaafadeed qoraal ah oo uu sooraay gudoomiyaha ururka qareenada Somaliland ee Magacooda loosoo gaabiyo “SOLLA”  Mohamed Mohamoud  Hashi uu ku buriyey islamarkaana uu kagaga horyimid xubnihii difaacayey dugsiyada gaar loo leeyahay kuwaas oo uu sheegay inay magaca ururka ku hadleen, islamarkaana ay dano gaara u difaacayeen dugsiyada gaarka loo leeyahay oo ay lataliyayaal sharci u yihiin.

Gudoomiyaha Ururka Qareenada somaliland ee solla ayaa isagu si cad isu garab taagay xubnaha qareenada ah ee difaacayey wasaarada waxbarashada, halka uu iyagana waxba kama jiraan ka dhigay warkooda xubnahan u doodaya dugsiyada gaarka, taas oo uu ku sheegay kuwo dano gaara ahi ay ku kaliftay inay difaacaan .

Murankan ay la kala safteen xubnahan kala taabacsan wasaarada waxbarashada iyo dugsiyada gaarka loo leeyahay ee aanu gudoomiyihii ururka qareenaduna ka noqon dhexdhexaad ayaa sababi kara burbur iyo tafaraaruq laxaad leh oo ku yimaada ururka qareenada somaliland oo ku dhisan wadashaqeyn iyo isku duubni in bulshada loogu adeego sharciga.

Wasaarada waxbarashada somaliland oo iyada shaqadeedu ahayd inay soo afjarto murankan islamarkaana dugsiyada gaarka loo leeyahay sharciga ku maamusho ayaa u muuqata mid madaxa ka qarsatay is mariwaaagan balse u adeegsanaysa inay marba dhankooda difaacaan sharciyaqaanadan dhankooda matalayey.

Isku soo duuduubo talaabooyinkan oo ku cusub hab-dhaqankii iyo shaqadii bulshada iyo qaranka ay u qaabilsanaayeen ururka qareenada somaliland ayaa u muuqata inay ku milmay haayadihii kale ee dawlada islamarkaana sababtay  inay sitoosa uga difaacaan shaqo ay gabtay wasaaradii waxbarashadu.

Halkan Ka Daawo Garyaqaanada Difaacaya Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay.

 

Halkan ka Daawo Garyaqaanada Difaacaya Wasaaarada Waxbarashada.

https://www.facebook.com/Govermntal/videos/375262640022748/