Abiy Axmed oo hambalyo u diray shacabka gobolka Sidama

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa hambalyo u diray shacabka ku nool Sidama kuwaas oo shaley ka qeyb qaatay afti looga tashanayo aayaha gobolkaas.

In ka badan 2 Malyan oo qof ayaa isku diiwaangeliyay codeynta aftida.

Ra’iisul wasaare Abiy waxaa uu sheegay in codeynta ay si nabad ah u dhacday isla markaasna khilaafyada lagu xallin karo doorasho.

Qowmiyadaha ku nool shucuubta Koonfureed ayaa waxay yihiin qowmiyadda shannaad ee ugu tiro badan Itoobiya waxay shacabka gobolkaas gaarayaan in ka badan 4 Malyan oo qof.

Natiijada aftida ayaa lagu wadaa in shaaca laga qaado dabayaaqada toddobaadkan.

Haddii loo codeeyo in Sidama ay kamid noqoto maamulada ka jiro Itoobiya, waxay ka dhigantay in Sidama ay ka go’ayso gobolka Shucuubta koonfureed oo ay hoostagayeen muddo ka badan 2 sanno.