Caro ka dhalatay markii ‘booliska Kenya ay jirddil u geysteen ardey’

Shacabka Kenyanka ayaa ka carooday muuqaal la baahiyay oo muujinayo saraakiil boolis ah oo jirddil u geysanayo ardey jaamacadeed.

Waxaa muuqaalka lagu arkayay afar boolis ah oo garaacayo ardeyda xilli ay dhulka wada jiifiyeen.

Booliska Kenya ayaa xilliggaas loo daabulay jaamacadda Jomo Kenyatta ee ku taal magaalada Juja ee waqooyiga Nairobi kaddib markii ardeyda ay halkaas ka dhigeen dibadbaxyo looga soo horjeedo amni darrada, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Taliyaha booliska, Hilary Mutyambai, wuxuu sheegay in booliska loo daabulay jaamacadda si ay xaaladda dib ugu soo celiyaan kaddib markii ardeyda ay xireen waddooyinka waaweyn ee halkaas isla markaasna ay dhibaateeyeen dadkii waddada marayay.

Embedded video

Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya, Fred Matiang’i ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in muddo 24 saacadood gudahood tallaabo laga qaadi doono saraakiishaas.