Ciidammada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo oo weerar ku dilay tiro maleeshiyaad ah

Militariga dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo waxay sheegeen inay dileen ugu yaraan 25 kamid ah jabhado ka dagaallamo dalkaas.

Wararka waxay sidoo kale sheegayaan in 7 kamid ah ciidammada dowladda lagu dilay dagaal ka dhacay magaalada Beni ee gobolka North Kivu, waqooy bari dalkaas.

Ciidammada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa weerar ku qaaday bariga dalka si halkaas uga saaraan maleeshiyaadka hubeysan.

.