Dagaal ka weli ka socda xadka Israa’iil iyo marinka Qaza

Dagaal u dheexeya Israa’iil iyo dagaalamayaal ku sugan marinka Qaza ayaa weli ka socdaa deegaanada xadka maalin uun kaddib markii Israa’iil ay duqeyn ku dishay hogaamiyihii dhaqdhaqaaqa jihaad doonka ee Falastiin Baha Abu al-Ata.

Inkasta oo ay xaley xaaladda dagneyd, waxaa Israa’iil lagu weeraray madaafiic laga soo gannay dhinaca Qaza halka Israa’iil ay uga falcelisay howlgal duqeyn ah.

Wasaaradda caafimaadka ee marinka Qaza waxay sheegtay 12 qof Falastiiniyiin ah ay dishay rasaasta ciidammada Israa’iil, waxay tirada dadka ku dhintay noqoneysaa tan iyo Talaadadii ilaa 12 qof.

Gudaha Israa’iil ilaa 50 qof ayaa ku dhaawacmay rabshadaha.

Masar iyo Qaramada Midoobey waxay isku dayayeen inay joojiyaan xiisadda balse dhaqdhaqaaqa jihaad doonka ee Falastiin (PIJ) waxay sheegeen in aysan wadahadallo diyaar u aheyn.

Madaafiicda lagu weeraray Israa'iil

Wararkii ugu dambeeyay

Kaddib lix saacadood oo ay dagaalladu joogsadeen, dagaallamayaal Falastiiniyiin ah ayaa madaafiic ku tuuray koonfurta iyo bartamaha Israa’iil.

Ciidammada xoogga ee Israa’iil waxay sheegeen in maanta lagu soo tuuray ilaa 50 madaafiic isla markaasna ay weerar ku qaadeen kooxda PIJ ee gudaha Qaza.