Dekeda Berbera ee Somaliland Oo Si Qarsoodi ah Looga Soo Dajiyey Qalab Ciidan iyo Ciidamada Amaanka Oo Gacanta Ku Dhigay.

Berbera(GNN):-Dekeda Berbera oo kamida dekedaha ugu waaweyn geeska Africa islamarkaana sida xoogan u shaqeysa ee lagala soo dego badeecadaha iyo alaabaha kala duwan ayaa todobaadkan waxaa ilo xog-ogaal ahi u xaqiijiyeen warbaahinta in si qarsoodi ah looga soo dajiyey qalab iyo dirays  ciidan oo kala duwan.

Qalabkaas iyo dirayskaas oo ciimada amaanka Somaliland ay gacanta ku dhigeen kadib markii baadhitaankii caadiga ahaa ee lagu sameynayey koontiinarada ku raran maraakiibta la ogaaday in hal koontiinar oo kamidahi uu sido agab ciidan oo isugu jira booshashka rasaasta lagu rito, galka lagu qaato baastooladaha iyo jaakadaha xabbadda celiya, sidoo kale dirayska ciidamada oo noocyo kala duwan ah

Wararka La xidhiidha arrintan ayaa intaa ku daray in ciidamadu xidheen Laba kamid ah mukhalasiintii soo iibiyey qalabkan oo ay leedahay shirkad kamida shirkadaha ugu waaweyn dhanka ganacsiga somaliland, labadan wakiil  oo markii hore been ka sheegay wax ku jira koontiinarka  kuna sheegay inuu ku jiro dharka huudhaydhka, ayaa kadib markii uu marayey baadhistii ugu danbeysay ogaaday askari ka tirsan ciidanka turba taariyada cashuuraha.

Dhanka kale Waxaanu khadka telefoonka kula xidhiidhanay maareeyahay Dekedaha Somaliiland Mudane Siciid xassan C.laahi oo si kooban noogu sheegay inaanu wakhtigan arrintaasi ka hadlaynin islamarkaana uu socodo wali baadhitaan ay waddaan ciidamada amaanku arrintaasina ku jirto gacanta laamaha amniga dalka, sidaasi darteedna uu ka hadli doono marka la dhamaystiro baadhista ciidanka ee la xidhiidha arrintan.

Ma jiro ilaa hadda wax faahfaahin oo kasoo baxay dhinaca laamaha amaanka iyo maamulka dekeda berbera oo ay wakhtigan gacanta ku hayso inta badan Shirkada DP World.

Si kastaba ha ahaate waa markii ugu horeysay ee Somaliland deked kamid ah laga soo dejiyo qalab ciidan ama hub iyadoo arrintani noqonayso tii ugu horeysay ee ka dhacda dekeda Somaliland ee Magaalada berbera oo ay shirkad dalka laga leeyahay ka ganacsato qalab ciidan.

La Soco Wixii War  ah ee Kasoo kordha Arrintan.

Berbera Somaliland
Gabiley News Network