Guddida Isaxaaq Carre oo ka digay in laga been abuurro magaca beesha

Hargeysa(GNN):- Guddida Guud ee Beesha Bariga Hargeysa, Sabawanaag iyo Cadaadley oo shir ku yeeshay Magaalada Hargeysa ayaa war-murtiyeed ka soo saaray arrimaha danaha beesha iyo cidda ku hadli karta Afka beelahaasi.
Shirkan oo ah mid todobaadle ah oo ay todobaadkiiba hal mar ku kulanto ayaa ugu horeyn waxa ay hambalyo u direen Taliyaha iyo Taliye Kuxigeenka cusub ee madaxweynuhu u magacaabay Ciidanka Booliska Somaliland, kuwaas oo ay tilmaameen inay yihiin rag karti iyo aqoon u leh xilalkaas loo magaacabay.
Guddida ayaa sidoo kale ka digay in cid aan ahayn iyagu ku hadasho afka beesha, waxaanay cambaareeyeen koox sheegatay madax-dhaqameedka iyo wax-garadka beesha oo ku hadashay magaca reerka.

Nuqul kamida War-murtiyeedka oo Gobanimonews la soo gaadhsiiyey ayaa u dhignaa sidan:
War-murtiyeed:


Shirkii todobaad-laha ahaa ee Gudida Guud ee Beesha Bariga Hargeysa , oo maanta ka qabsoomay Guriga Gudida Guud ee Beesha Bariga Hargeysa , ayaa waxa ay Gudidu ugu horeyn Hambalyo u diraysaa Taliyaha iyo Taliye Kuxigeenka cusub ee dhawaanta madaxweynuhu u magacaabay hogaaminta Ciidanka Booliska Somaliland, kuwaas oo aanu u aragno inay yihiin rag khibrad iyo aqoon u leh xilalkaas loo magaacay.

Gudidu waxa ay cambaaraynaysaa isla markaasina ay beeninaysaa koox sheegatay Cuqaasha iyo madax-dhaqameedka beesha, isla markaasina sheegtay inay ku hadlayaan magaca beesha, Hadaba Gudida Guud Ee Beesha Bariga Hargeysa, waxa ay halkan ka beeninaysaa kooxdaas is magacawday ee sheegatay inay ku hadlayaan afka beesha kuwaasi oo aanu halkan ka cadaynayno in aanay ku hadli Karin magaca Beesha.

Guntii iyo Gunaanadkii Gudida Guud Ee Beesha Bariga Hargeysa, waxa ay halkan ka cadaynaysaa in cid aan ahayn Gudidan Beeshu kusoo dooratay shir-weynihii ay dhawaan ku yeelatay Degmada Cadaadley aanay ku hadli Karin magaca iyo afka beesha”.

Allaa Mahad Leh
Xoghayaha Guud Ee Gudida

Guud Ee Beesha Bariga Hargeysa

Khadar Ciise Cabdi