Hargeisa-Shirkada Daawooyinka Shaafici Pharmacy Oo Si Wayn Uga Qayb Qaadatay Bandhiga Carwada Caafimaadka.

Hargeisa(GNN):-Magaaalada hargeisa waxaa maanta lagu qabtay Carwo lagu soo bandhigayey  dhakhaatiirka iyo xarumaha caafimaad eee ka jira somaliland.

Munaasibad oo kulmisay Shirkado iyo Xarumo caafimaad oo kale duwan ayaa waxaa ka mid ahayd shirkadaha sida weyn uga dhexmuuqday shirkada caafimaadka iyo daawooyinka ee lagu magacaabo Shaafici, Shirkadan oo bandhiga carwadan kusoo bandhigay tayada iyo agabka caafimaad ee ay u qabtaan bulshada ayaa halkaasi waxaa uga waramay mid kamida masuuliyiinta shirkada shaafici ee daawooyinka iyo daryeelka bulshada.

Madaxda Shirkada Shaafici

Maamulaha guud ee shirkada Shaafici pharmacy Aadan Jaamac C.laahi oo si Waafiya u sharaxaya adeegyada ay bulshada usoo bandhigeen ayaa ugu horeyan halkaasi ka hadlay kana waramay Shaafici pharmacy iyo waxa ay kagaga duwan tahay shirkadaha kale,

Shirkada Shaafici iyo Adeegyada Ay Bulshada u Qabto

dhinaca kale isaguna waxaa halkaasi ka hadlay madaxa suuqgaynta shirkada Shaafici Pharmacy oo Sharaxaad waafiya ka bixiyey qaabka ay shirkad ahaan bulshada ugu adeegaan iyo sida ay u daryeelaan macaamiishooda, C.xakiin xassan cumar ayaa ku dheeraaday adeegyada ay bulshada u keenaan oo kala duwan kuwaas oo ay kamid yihiin Daawooyin Tayo leh, iyo sidoo kale Caanaha ubadka yar yar, xaafayadaha iyo dhamaan agabka ubadka yaryar.

Caanaha Caruurta ee ay Keento Shirkada Shaafici

 

Si Kastaba ha ahaatee Waa Markii labaad ee somaliland lagu qabto carwadan oo kale taas oo aaney hore u jiri jirn in bandhig loo sameeyo Shirkadaha kala duwan ee u adeega dhinaca caafimaadka bulshada, kuwaas oo si waafiya loogu kala saarayo Shirkadaha Caafimaadka iyo Daawooyinka Tayada Nooca ay Bulshada u qabtaan, waxaa la sadaalin karaa in shirkadan Shaafici ay Hormuud ka noqon doonto shirkadaha lagu abaalka mariyo adeeegyada tayada leh ee ay bulshada somaliland u qabtaan.

Xaafayadaha Caruurta Ee Shirkada Shaafici.

 

Halkan Hoose ka Daawo Muuqaalka Warkan.

https://youtu.be/Goj5V6XExwg