Israa’iil oo duqeyn ku dishay hogaamiyihii dhaqdhaqaaqa jihaad doonka ee Falastiin

Israa’iil waxay duqeyn ku dishay mid kamid ah saraakiisha ugu sarreysa koox maleeshiyaad ah oo ka dagaalanta marinka Qaza.

Weerarka ay Israa’iil ka fulisay Qaza waxaa ku dhintay Baha Abu -Ata oo ahaa Hogaamiyihii dhaqdhaqaaqa jihaad doonka ee Falastiin (PIJ) iyo xaaskiisa kaddib markii madfac lala beegsaday gurigooda, sida ay sheegeen kooxdiisa.

Israa’iil waxay sheegtay Baha Al Ata uu ahaa qof halis ah oo qorsheynayay weeraro argagixiso.

Gantaallo laga soo gannay dhinaca marinka Qaza ayaa ku dhacay koonfurta Israa’iil, dhaqdhaqaaaqi uu ka tirsnaa Baha Abu Ata waxay sheegeen inay u aari doonaan.

Lama soo tebin khasaare kale oo ka dhashay weerarkaas.

Dhaqdhaqaaqa PIJ oo taageero ka helo Iiraan ayaa ah kooxda labaad ee ugu awoodda badan ee ka dagaalanta marinka Qaza, waxay horey u fuliyeen weeraro dhowr ah.

.

Waxaa sidoo kale weera lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka PIJ xilli ciidammada Israa’iil ay madaafic ku weerareen gurigiisa oo ku yaal caasimaadda Suuriya ee Dimishiq, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda Suuriya ee Sana.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo, Akram Al Ajuuri iyo wiilkiisa ayaa ku dhintay weerarka, sida ay sheegtay warbaahinta Suuriya.

Israa’iil kama aysan hadlin duqeyntaas.

Ururka Xamas ee maamulo marinka Qaza ayaa u arkaa dhaqdhaqaaqa PIJ inay yihiin koox mucaarad ah isla markaasna waxay cambaareeyeen dilka loo geystay Baha Abu -Ata.