Jose Mourinho oo loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda Tottenham

Jose Mourinho ayaa loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda Tottenham, waxaa uu xilka kala wareegaya Mauricio Pochettino oo Talaadadii shaqada laga ceyriyay.

Tababarihii hore ee kooxaha Chelsea iyo Manchester United waxay Tottenham guddoonsiisay qanaddaraas ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka sannadka 2022-2023-da.

Maamulaha kooxda Tottenham, Daniel Levy ayaa sheegay in Jose uu yahay mid kamid ah tabarayaasha ugu wanaagasan ee kubadda cagta.

Kooxda Tottenham ayaa xilli ciyaareedkii ugu dambeeyay gaartay ciyaarta kama dambeysta ee Horyaalka Yurub, waxaana tababare u ahaa Pochettino balse waxaa Madrid kaga guuleysatay kooxda Liverpool.