Madaxweynaha Dhawaan loo Doortay Sri Lanka Oo Walaalkiis U Magacaabay Raisul Wasaare.

Madaxweynaha dhawaan loo doortay dalka Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa, ayaa walaalkiis Mahinda u magacaabay Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalkaasi, arintaasoo dad badan ka yaabisay.

Doorashada madaxtinimada ee ka dhacday dalka Sri Lanka waxaa u tartamay ilaa 35 musharax waana doorashadii Saddexaad tan iyo 2009-kii markii uu dhammaaday dagaalkii sokeeye ee dalkaasi ka socday muddo tobanaan sano ah.

Madaxweynaha cusub ee Sri Lanka oo lagu wado in Khamiista xilka loo dhaariyo, ayaa xilka qabanay iyadoo xilka ka dagayo Tanil Rajapaksa oo xisbigiisa si weyn looga guuleystay doorashadii toddobaadki hore dalkaasi ka dhacday.

Labada nin ee walaalaha ah ayaa ah kuwo door weyn ku lahaa soo afjaridda dagaalki sokeeya oo ku dhawaad 20 sano ka socday dalkaasi oo soo gabagaboobay 10 sano ka hor oo ay dowladda Sri Lanka kula jirtay maleeshiyada jabhadii Tamil Tigers.