Masuuliyiin Wasaarada Caafimaadka Ka Tirsan Oo Jabsaday Facebook-ga Qoraa Soo Bandhigay Musuqmaasuqa ay Ku Kaceen.

“Madaxda Cusbitaalka Magaalada Ceerigaabo iyo Maamulka Caafimaadka Gobolka Sanaag Oo Musuqmaasuq ay Ku Keceen laga Baahiyey Kagaga  Falceliyey Jabsashada Facebookgii Lagu Baahiyey Fadeexadaha Musuqmaasuq ee Dul Hoganaya.”

Berbera(GNN):-Waxaa mudooyinkii u danbeeyey isasoo tarayey arrimaha la xidhiidha falalka musuqmaasuq ee sida baahsan loogu baahinayo baraha bulshada gaar ahaan facebook, taas oo inta badan aqoonyahano reer somaliland oo wakhtigii hore la shaqeyn jiray haayadaha caalamiga ah iyo wasaarada caafimaadka somaliland ay dabagalo dheer ku sameeyeen tacadiyada ka dhaca cusbitaalada dalka iyo falalka musuqmaasuq ee ka dhaca xarumaha caafimaad ee somaliland.

Aqoonyahan Nimcaan Maxamed Muuse oo Ku sugan dalka dibadiisa islamarkaana bilihii ugu danbeeyey si xoogan bulshada ugu soo bandhigay gaboodfalo ka dhacay cusbitaalada ku yaala degmooyinka dalka iyo noocyada musuqmaasuq ee ka dhaca, kaas oo ay ku kacaan dadka ugu sareeyaa, ayaa waxaa uu qormooyikii ugu danbeeyey  wax ka qoray cusbitaalka magaalada ceerigaabo ee gobolka sanaag.

Kadib cadaymaha foojaro iyo jeegag si khaldan loogula baxay lacago xaaraan ah oo ay ku kaceen masuuliyiinta wasaarada caafimaad u jooga magaalada ceerigaabo iyo kuwa cusbitaalka ceerigaabo ayaa haddaba kadib markii ay bulshadu si isku mid ah uga dareen celisay lacagaha xaaraanta ah ee laga qaado bulshada danyarta ah ay isku dayeen masuuliyiinta cusbitaalka magaalada ceerigaabo inay jabsadaan facebook aqoonyahan nimcaan oo aad ula socoday waxa ka dhaca cusbigtaalada degmooyinka, isagoo hore uga tirsanaa haayadaha la shaqeeya wasaarada caafimaadka si xoogana uga soo shaqeeyay gobolada barriga somaliland.

Nimcaan maxamed oo qoraal kooban kusoo qoray pagekiisa gaarka ah khadka telefoonkana noogu waramay ayaa sheegay in facebook accountkiisii gaarkaa ahaa iyadoo la adeegsanayo shaqaalaha shirkada telesom ee magaalada ceerigaabo la soo furtay kaadhka  telefoonkiisii  uu ku isticmaali jiray dalka somaliland intaa kadibna, facebookga oo ugu sameysnaa numbarkan lasoo furtay ay u suurto gashay inay kala wareegaan facebook accountkiisa, waxaanu sheegay aqoonyahan nimcaan in lagu baahiyey warar iyo qoraalo lagu aflagaadeynayo dadkii ay xidhiidhka wada lahaayeen.

Waakan Qoraal Kooban oo uu Soo dhigay pagekiisa gaarka.

 

Telefoonka Lagu Bedelay markii laga masaxay facebookgii telefoonkiisii hore oo uu nala wadaagay ayaa ah kan xagga hoose idiinka muuqda.