Muqdisho Dilka Gabadh Hore Uga Soo Shaqeysay Safaarada Somalia Ku Leedahay Keyna Oo Caawa Ka Dhacay Xalane.

Muqdisho(GNN):-Almaas Elman Cali Axmed oo ka tirsaneyd qoyska caanka ah ee reer Elman ayaa ku geeriyootay gudaha xraunta Xalane ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.
Almaas ayaa sida la sheegay waxaa ku dhacay xabad. Inkasta oo aysan weli caddeyn, haddana waxaa wararka intooda badan ay sheegayaan inay ahayd xabad si kam ah ugu dhacday oo aan la aqoon halka ay ka timid.

Almaas ayaa markii xabadda laga soo saaray, waxay noqotay xabad ka mid ah rasaasta ciidamada Amisom, sida ay dad ku sugan Xalane u sheegeen warbaahinta.
Ma cadda in xabadda laga dhex riday xarunta Xalane, iyo inay banaanka ka timid.

Si kastaba ha ahaatee  markii ay xabadda ku dhacday waxay saarneyd gaadhi dhex socoday xarunta Xalane, waxaana xabadda ay kaga timid dhinac dambe.

Weli waxaa socda baadhitaan ku aadan sida ay wax u dhaceen, oo ay wadaan saraakiisha Amisom.

Almaas ayaa horey u ahayd xoghayahii koowaad ee safaaradda Soomaaliya ee  ku leedahay dalka Kenya, waxayna hadda ka  tirsanryd hey’adda Elman.

Almaas ayaa la dhalatay Ilwad Elman oo ka tirsan QM, iyo Iman Elman oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wixii Warar Ah ee Kasoo Kordha dilka haweenaydan Kala Soco Warbaahinta Gabiley News Network.

Muqdisho Somalia
Gabiley News Network
Contactgabileynews@gmail.com