Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda magaalada Dirdhaba

Waxaa magaalada Dirdhaba ee dalka Itoobiya hareeyay rabshado u dhexeeyo qowmiyadaha qaar ee wada dego halkaas.

Waxay rabshadaha galeen maalinkii saddexaad xilli dowladda ay ciidammada militariga u daabushay magaalada si ay xaaladda u dejiyaan.

Rabshadaha waxay ka bilaabmeen xaafadaha qaar, ilaa haatan dowladda Itoobiya iyo maamulka magaalada kama aysan hadlin qalalaasaha.

Goobjogayaal ku sugan Dirdhaba ayaa BBC u sheegay in dhaawac iyo dhimasho ay jirto balse ma arrintaas si rasmi ah looma xaqiijin karo.

Dad ku sugan Dirdhaba ayaa sidoo kale BBC u sheegay in saaka la maqlayay dhawaaqa rasaasta isla markaasna xiisadda ay weli taagan tahay.

Warar kale oo kasoo baxaya halkaas waxay sheegayaan in dhaawacyo la geeyay mid kamid ah isbitaallada magaalada.

Rabshadahan ayaa imaanaya kaddib markii dhawaan ardey kasoo jeeddo gobolka Oromada lagu dilay jaamacadda Waldiya oo ku taal gobolka Amxaarada, waxaana weerarkaas ku dhintay 2 ardey halka 12 kalena ay ku dhaawacmeen.