Gabadh 16 sano jir ah oo loo magacaabay qofka sanadka

Greta Thunbergoo ah gabadh u dhalatay Sweden safka horena uga jirtay ololaha isbeddelka cimilada ayaa loo magacaabay qofka sanadka 2019-ka, abaalmarintan ayaa ah mid sanadla ah oo uu bixiyo waragayska Time.

Sanad ka hor Greta Thunberg waxay ahayd qof caadi ah oo cinwaan u gaar ah ku lahayd barta Instagram.

Waxaana inta badan lagu yaqaanna sawir ay gabadhan yar ku gashay dhul qurux badan iyada oo uu eygeeda ku wehliya xilli ay ceedceeddu sii dhaceysa, dhul baraf ah iyo dhul bannaan ahna ay ku gashay.

Marka laga reebo farriimo kooban oo isbeddelka cimilada ku saabsan oo ay ku cabbireyso dareenkeeda ku aaddan dhibaatooyinka ka iman kara isbeddelka cimilada, wax gaar ah oo ay sameysay ma jirin. Balse dhowr bilood kaddib waxay noqotay xubin caan ah oo hoggaamisa dhadhaqaaqyada caalamka ka socda ee isbeddelka cimilada la xiriira.

Baraha bulshada lagu wada xiriiro ayaa qayb weyn ka qaatay iney Greta ka mid noqotay shan qof ee dhalinyarada oo safka hore ugu jira ololaha isbeddelka cimilada.

20-ka bisha August 2018-ki, waxay shaacisay sawir ay iska qaadday iyada oo baarlamaanka dalka Sweden hor fadhida iyada oo ka mudaharaadeyso dowladda sida ay tillaabba uga qaadi la’dahay isbeddelka cimilada.

Waxayna sawirkeeda raacisay qoraal ah: “Annagu haddaan carruur nahay inta badan ma qabanno waxa ay dadka waaweyn qabtaan. Waxaan sameyneynaa waxaad sameyseen oo kale. Iyo maadaama aadan wax macno ah ka bixin mustaqbalkayga. Aniguna ma oggolaanayo inaad mustaqbalkeyga ku ciyaartan.”