Madaxweynaha jsl Oo Tacsi Tiiraanyo leh U Diray Alle haw naxariistee Qoys Ka Kooban 4 Qof Oo Ku Dhintay Hargeisa.

Hargeisa(GNN):-INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee qoys ka kooban Afar ruux oo kala ah Marxuum Faysal Aadan Cabdi Diiriye oo ah  aabbaha qoyska iyo xaaskiisa Marxuuma Hinda Aw Axmed oo xaamilo ahayd iyo laba Carruura oo ku geeriyooday degmada 31 May ee Caasimada Somaliland ee Hargeysa, ka dib markii uu ku dumay guri qadiimi ah oo ay jaar la’a ahaayeen dhammaantoodna ku nafwaayeen.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.