Shan arrimood oo Boris Johnson looga fadhiyo in uu mudnaanta siiyo

Ra’isul wasaare Boris Johnson wuxuu haystaa aqlabiyadda baarlamaanka, wuxuuna awood u leeyahay in uu sii wado qorshihiisa isaga oo ku kalsoon in ay xildhibaannada taageeri doonaan.

Haddaba maxay tahay howsha u taalla rai’sul wasaaraha maadaama uu xafiiska ku soo laabtay?

1. Brexit in la fuliyo iyo in ganacsiga laga heshiiyo

Rai’sul wasaaraha UK, wuxuu sameeyay ballanqaadyo kuwaas oo looga fadhiyo in uu fuliyo.

Tan ugu horeysa waa in midowga Yurub uu ka saaro UK, marka la gaaro 31-da bisha January 2020.

Hadda wuxuu Boris Johnson haystaa aqlabiyadda baarlamaanka oo uu ku dardar galin karo shuruucda loo baahan yahay, marka ma jirto sabab looga fikiri karo in aysan waqtigii loogu talagalay ku qabsoomin karin.

Balse, waa in uu sidoo kale wadaxaajood ka gala “heshiiska dhanka ganacsiga ah oo uu la galo midowga Yurub.”

Wuxuu horey u ballan qaaday in xilliga kala guurka aan la kordhin doonin.

Ra’iisul wasaaraha Britain waa in uu arrintan ansixiyaa ka hor xilliga kala guurka ee 31 December 2020

Arrintani way adkaan doontaa in la hirgaliyo, gaar ahaan haddii uu Boris Johnson doonayo in uu ka leexdo waddada shuruucda midowga Yurub ee ay hadda UK qeybta ka tahay.

2. Dalabka sii kordhaya ee adeegga caafimaadka

Ballanqaadyadii xisbiga muxaafidka ee talada haya, si la mid ah xisbiyada kale ee waawayn, waxaa ka mid ahaa in ay kordhin doonaan lacagaha adeegyada caafimaadka.

Dhanka caafimaadka, waxyaabaha kale ee ay ballanqaadeen waxaa ka mid ahaa in sannadkii ay qori doonaan tobonnaan kun oo kalkaaliyayaal iyo dhakhaatiir dhanka qalliinnada ah.

Balse qaar badan oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha dhanka caafimaadka ayaa qabo in ballanqaadkan uusan ahayn mid ku filan in xal loo helo baahidda sii kordhaysa ee ah tirada bukaannada daryeelka u baahan .

In baahidaasi la daboolo waxay u baahan tahay lacag iyo waqti badan.

In tababar la siiyo shaqaalaha cusub loona daad-gureeyo xarrumaha caafimaadka waxay qaadan kartaa dhowr sano sidaasi darteed, rai’sul wasaaraha waa in uu si dhab ah u wajahaa arrintaas.

Waa in si deg-deg ah loo gaaro go’aanno culus oo ku aadan shaqaalaha iyo dhaqaalahii ku bixi lahaa si loo xaqiijiyo adeeg caafimaad oo dhameystiran

3. Wax ka qabashada dhibaatada daryeelka bulshad

Waa in ra’iisul wasaaraha UK uu mudnaanta siiyo sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada soo wajahday nidhaamka daryeelka ee lagu taageero dadka da’da ah iyo kuwa baahiyaha gaarka ah qaba.

Wuxuu ballanqaaday in dhinacyada kala duwan uu wadahadalo la gali doono muddo 100 maalmood gudahood ah, laakiin ballaqaadkii ugu horreeyay ee xisbiga muxaafidka ayaa laga joogaa 1,000 maalmood, taasi oo ah in xal loo helo dhibaatada hannaanka daryeelka bulshada ee muhimka ah.

4. Gaaridda bartilmaameedka Isbadalka Cimilada

Boris Johnson wuxuu wajahayaa dhibaato dhanka deegaanka ah oo u baahan go’aan degdeg ah.

Madax-xanuunka ugu horreeya waa xal u helidda dhibaatada isbadalka cimilada.

Bisha December 2020, waxay UK marti galin doontaa shir muhim ah oo ballaaran oo ka dhici doona Glasgow.

Kooxaha u ololeeya wax ka qabashada dhibaatada isbadalka cimilada adduunka waxay sheegeen in ay UK “waji-gabax ” ku noqon doonto haddii ay shirkaasi marti galiso iyada oo aysan gaarin bartilmaameedkii wax ka qabashada arrintaas.

5. Isbadal lagu sameeyo hannaanka socdaalka

Waxaa jira saddex su’al oo dul hoganaya hal-ku dhiga lagu celceliyo ee “in nidhaamka Australia mid la mid ah laga hirgeliyo UK”.

Nidhaamkaa wuxuu kala horumarinayaa shaqaalaha soo galootiga ah oo mudnaan lagu siinayo xirfaddooda iyo awooddooda.

Marka hore, ma lagu hirgelin karaa xilliga kama dambeysta ah ee ay xisbiga Conservative-ka u qabteen, oo ah bisha January 2021?

Hirgelinta arrintan waxay u baahan tahay dajinta nidhaam iyo shuruuc.

Midda labaad, ma jirtaa cid hubta in hannaanka ugu dambeeya uu noqon doono mid u eg kii la ballanqaaday.

Xigasho bbc