Shirka Warbaahinta Dalalka Carabta Oo Lagu soo Gabagabeeyay Khartuum.(Sawiro)

Shirka midowga warbaahinta wadamada carabta ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Suudaan.

Soomaaliya waxaa shirkaan uga qeyb galay wafdi balaaran oo uu hoggaaminayay agaasimaha cusub ee talefishinka qaranka Soomaaliyeed, Faarax Salaad Dharaar.

Sidoo kale furitaanka shirka waxaa goobjoog ka ahaa danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Sudan Amb Mohamed Sheikh Issak iyo Danjiraha Dowladda Jabuuti Axmed Cali Barre.

Shirkaan oo socday afar maalmood ayaa waxaa soo qaban qaabiyay urur ay ku midaysan yihiin idaacaddaha iyo talefeshinada kuyaala wadamada Carabta oo magaciisa loosoo gaabiyo ASPO.

Agaasime Faarax Salaad Dharaar ayaa tilmaamay in shirkaan ahmiyada lagu saarayay sidii loo horumarin lahaa warbaahinta dowliga ah iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay, si ay kaalin uga qaataan dimuqraadiyada iyo horumarka bulshada.

Ra’isul Wasaaraha Suudaan Dr. Abdalla A. Hamdok ayaa ka qeyb galay furitaanka shirkaan oo ahaa midkii 39aad ee Midowga Warbaahinada Dowladaha Carabta.