Suldaan Salmaan Oo Bogaadiyey Shaqada Ay Bulshada u hayaan Maayirka Degmada Gabiley iyo Golihiisu.

Hargeisa(GNN):-Suldaan Axmed Maxamed Colhaye (Abu salmaan) oo kamid ah madax-dhaqameedka Reer somaliland Gaar ahaan gobolada gabiley iyo maroodi jeex ayaa maamulka Dawlada hoose ee gabiley ku amaanay wax qabadka muuqda ee ay ku talaabsadeen isagoo shacabka reer gabileyna uga mahad Celiyay  sida fiican ee ay ula shaqeeyeen Golaha deegaanka gabiley ee uu hormuudka u yahay maayarka Maxamed Amiin Cumar Cabdi.

Sidoo kale suldaan salmaan ayaa maayarka gabiley ku amaanay sida latashiga leh ee uu bulshada ula wadaagay miisaaniyadii hore sida ay ubaxday iyo qorshaynta odoroska miisaaniyada soo socoto oo uu kulama arimahaasi la xidhiidha  la tashi kala yeeshay aqoonyahan shacabka ku dhaqan magaalada gabiley iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Dhanka kale suldaan salmaan ayaa fariin diray dadka dhaliila maamulka oo uu uga digay in ay caadaystaan dhaleecaynta madaxda.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN.

https://youtu.be/M_grjub1WEY