Suudaan oo magdhaw siinaysa dad ku wax yeelloobay weerarro argagixiso oo ka dhacay Kenya iyo Tanzania

Sudan ayaa ballan qaaday inay lacago siinayso qoysaska ay dhibaatada ka soo gaartay qaraxyadii lala beegsaday safaaradaha Mareykanka ee ku kala yaallay Nairobi iyo Dar es Salaam, sida uu qoray wargayska Wall Street.

Ra’iisul wasaaraha dalka Sudan Abdalla Hamdok ayaa waraysi uu siiyay Wall Street ku sheegay in waddankiisa uu magdhaw bixin doono isbuucda soo socdo.

Hase yeeshe, qareennada u doodayay dhibanaaysha ayaa sheegay inaysan aaminsanayn in ballan qaadka Sudan ay hirgalin doonto, sida uu kasoo xigtay wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Kenya.

Mr Hamdok ayaa waraysigan bixiyey xilli uu booqashadiisii ugu horreysay ku tagay Mareykanka.

Maxkamad ku taalla Mareykanka ayaa Sudan ku xukuntay inay lacag dhan 5.9 bilyan oo doolar siiso dadkii ku wax yeelloobay qaraxyadii 1998-kii.