Yuhuuda Oo Burburisay Guryo Cusub Oo Ay Lahaayeen Shacab Falasdiiniyiin Ah

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in ciidanka Amniga Israel ay burburiyeen 39 dhisme oo ay lahaayeen shacabka Falastiin labadii todobaad ee la soo dhaafay.

Dhismayaasha dhulka la dhigay oo ku yaal daanta galbeed ayaa saraakiisha Israel ku andacoonayaan in dadkii daganaa aysan heysan ruqsada dhulka.

Howlgalka burburinta oo dhacay 12-ka ilaa 25-tii bishan November ayaa barakacayaal ka dhigay qoysaskii ku noolaa dhismayaashan.

Guryaha la burburiyay ayaa laba ka mid ah loo adeegsaday dano gaar ah iyo arimo bani aadanimo waxaana ay ku yaalaan aaga loo yaqaan C.

Agagaarka C ee daanta galbeed ka tirsan ayaa si buuxda waxay gacanta ugu jirtaa xukuumada Israel.