Degmada Gabiley Oo Kaalmaha Hore Kagaga Jirta Hirgalinta Mashruuca JPLG iyo Maamul Daadajinta.

Hargeisa(GNN):-Mashruuca Maamul daadajinta iyo JPLG-ga oo sannadkii 6aad laga hirgalinayo dalka Somaliland, ayaa ah Mashruuc Somaliland ka taageero baanka aduunku oo ay soomariyaan dhaqaalaha lagu bixinayo wadmo iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay, islamarkaana Mashaariico kala duwan lagaga hirgaliyo 8 degmo oo dalka ah, ayaa Waxaa kamid ahayd Degmooyinka Laga fulinayey Degmada Gabiley oo Door muuqda ka qaadatay hirgalinta mashaariicahii loogu talo galay gobolka gabiley inay sidiisii uga fulaan iyo Nidaamka Maamul daadajinta.
Mashruucan oo uu gadhwadeen ka yahay islamarkaana uu kula xisaabtamayey maayirada degmooyinka madaxweyne Ku Xigeenka jsl Mudane C/raxmaan ismaaciil Saylici, ayaa sanaddkii hadda dhammaaday ee 2019 bishii ugu danbeysay waxaa uu kormeero kala duwan ku tagay dhamaanba gobolada degmooyinkiisa laga fuliyo mashruucan JPLG-ga iyo Maamul daadajinta kaas oo inta badan ay ugu kuur galayeen Madaxda uu hogaaminayey madaxweynaha ku xigeenka somaliland iyo hay’adaha kala shaqeeya Mashruucan fulintiisa iyo qaabka loo maamulay.
Waxaana Inta Badan Bulshada Somaliland ay Warbaahinta kala socotay Kulamadii Kala Duwanaa ee uu la qaatay madaxweyne ku Xigeenku Maayirkada Degmooyinka dalka ee laga hirgalinayey mashruucan kaas oo halkaa Su’aalo kala duwan lagu waydiinayey qaabka Loo maamulay Mashruucan iyo fulinta Nidaamka maamul Daadajinta ee loo maamulay.
Waxaana Sida Muuqatay Kormeerkaasi Madaxweyne ku xigeenku ku sameeyey degmooyinka dalka kasoo baxayey degmo kasta iyo Waxa ay qabatay iyo Waxa aan ka fulin mashruucii maamul daadajinta ee JPLG, iyo Qaabka loo Maamulay iyadoo uu soo bandhigay Degmo kasta iyo Waxa ay ku hoosayso iyo Waxa ay ku horumartay ee lagu amaanay.
Degmada Gabiley Oo kamida degmooyinka Sidii loogu talo galay uu uga fulay mashruucan JPLG-gu iyo Nidaamka maamul Daadajinta Wanaagsan ee loo dhigay Barnaamijkan ayaa door muuqda la odhan karaa waxay ka ahayd hirgalinta sanadkii dhammaaday ee barnaamijkan.
Inkasta oo Uu Madaxweyne Ku Xigeenka jsl Mudane C,raxmaan Saylici Sheegay In Ay Soo Bandhigi Doonaan Warbixin Waafiya oo lagu qiimeeyey Degmo kasta iyo Kaalinta ay ka gashay In Barnaamijkani Sidii loogu talo galay ay u fulisay iyo in aaney Qaadin Jidkii loogu talo galay ayaa Haddana qiimeynta hore ee uu kormeerka madaxweynuhu kusoo sameeyey degmooyinka dalka ay kaalmaha hore ka gashay degmada gabiley fulinta mashruucaasi in loo maamulo qaabkii Maamul Wanaaga ahaa ee Loo Qorsheeyey.
Hadaba Kulan Ay Maanta yeesheeneen Madax ka Socotay hay’adaha Ka Caawiya Somaliland Barnaamijkan iyo Maayirada degmooyinka ayaa Halkaasi waxaa Goob joog ka ahaa Madaxweyne ku Xigeenka jsl, Wasiirka Wasaarada Caafimaadka, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Saraakkiil kale oo kala Shaqeeya Barnaamijka JPLGa iyo Maamul Daadajinta Madaxda qaranka somaliland, Waxaana halkaasi ay ku kala saxeexdeen Wajiga lixaad ee mashruucan JPLG iyo maamul Daadajinta.
Waxaan khudbado Kala duwan oo Madashaasi laga jeediyey Lagaga Faalooday Mashruucan iyo Sida Uu uga hirgalay Degmooyinka dalka, iyadoo halkaasi uu madaxweyne ku xigeenka somalilad ka sheegay inay Soo bandhigi doonaan Qiimeynta degmo kasta iyo sida ay U hirgalisay mashruucan.


Waxaana Halkaasi Looga Mahadnaqay Hirgalinta Mashruucan iyo Degmooyinka sidii loogu talo galay uga shaqeeyey Barnaamijkan, iyadoona Markii ay kala saxeexdeen heshiisyada mashruucan wajiga lixaad ee sannadkan ay galay 2020 waxaa halkaasi shahaadooyin lagu maamuusayo lagu gudoonsiiyey Xubno oo ugu horeeyo Maayirka degmada Gabiley Maxamed Aamin Cumar Cabdi Lagu maamuusay doorka muuqda ee ka qaatay hirgalinta Mashruucan iyo barnaamijyada maamul daadajinta.

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network