Duqeyn ka dhacday J/Hoose ‘oo lagu dilay’ saddex Shabaab ah

Wararka ka imanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in duqayn ay shalay ka dhacday degaanka Bangeeni oo ku taal degaan u dhexeeya Jamaame iyo Koban.

Dawladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay dhowaan soo saartay ku sheegtay in duqayntaas lagu dilay saddex ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Duqyantan ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday Al-Shabaab oo aysan waxba ku noqonin dad rayid ah.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqayntan la fuliyey iyadoo iskaashi lala sameeyey ciidamada Maraykanka.

Waa duqayntii saddexaad ee Maraykanku uu ka gaysto Soomaaliya sannadkan cusub gudihiis.

Bangeeni ayaa ku taal degaan u dhexeeya Koban iyo Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.