Garsoore Cabdiqawi : Myanmar waa in ay 4 bilood jawaab ku keentaa

Maxkamadda adduunka ayaa amartay tallaabooyin lagu badbaadinayo muslimiinta Rohinghya , islamarkaasna looga hortagayo in xasuuq loo geysto.

Maxkamadda ayaa diidday doodo ay soo bandhigtay xukuumadda Myanmar ee ay hoggaaminayso haweeneyda lagu magacaabo Aung San Suu Kyi.

Madaxweynaha maxkamadda Garsoore Cabdiqawi Yuusuf oo hadlay kadib markii 17-ka garsoore ee maxkamadda ay isku raaceen xukunka ayaa Myanmar u sheegay in muddo afar bilood gudaheed ah ay ku keento jawaabo la xiriira sida ay oga hortagi lahayd in la xasuuqo muslimiinta Rohingya.

Wax rafcaan ah lagama qaadan karo xukunkan, balse ma jirto sifo maxkamadda ay ku fulin karto amaradeeda, waxaana looga fadhiyaa in dowladda Myanmar ay iyadu fuliso waxa laga dalbaday.

Kumanaan qoowmiyadan ah ayaala laayay, iyada oo ay guryahooda ka qaxeen wax ka badan 700 kun oo qof sanadkii 2017-kii.

Barayaal Qaramada Midoobay ka tirsan ayaaka digay in uu dhici karo xasuuq.

.

Dacwadda maxkamadda adduunka waxaa gudbiyay dalka Gambia, waxayna ku baaqeen in talaabooyin degdeg ah laga qaado militariga dalka Myanmar, islamarkaasna la sameeyo baaritaano culus.

Myanmar ayaa ku adkaysata in gobolka Rakhine ay ka waddo sifeynta hawlo argagixisonimo ah.

Hoggaamiyaha dalkaas Aung San Suu Kyi ayaa sheegtay in waxa ka socda gudaha dalkeeda ay yihiin kacdoon hubeysan oo ay wadaan dad ka tirsan muslimiinta Rohingya.