Gudidda Qandaraasyadda Qaranka JSL Oo Soo Bandhigay Waxbaqadkoodii Sanadkii 2019

Hargeisa(GNN):-Xafiiska Gudida Qandaraasyada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ayaa soo Bandhigay Waxqabadkii u qabsoomay Sannadkii ina soo dhaafay ee 2019.

Waxqabadka Gudida qandaraasyada qaranka jsl ayaa isugu jira Dhammaan Qandaraasyadii ay bixiyeen gudida qandaraasyada qaranka somaliland oo isugu jira Mashaariico kala duwan oo isugu jira  Dhismayaasha Xarumaha Dawlada, Gaadiidka, Dayactirka iyo dhismaha wadooyinka, baahinta qandaraasyada adeegyada kala duwan ee ay u baahan yihiin xafiisyada dawladu, kuwaas oo isugu jira Mashaariico waaweyn iyo qandaraasyo yaryar oo si dhexdhexaad ah loogu baahiyey shacabka somaliland, ganacsatada, shirkadleyda, iyo dhammaan Cid kasta oo ka ganacsatada Adeega loo baahan yahay.

Waxaana Xukuumada  Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi cabdi laggu Amaanay Xafiiska Gudida Qandaraasyada qaranka doorka waxqabad iyo sida ay si waafaqsan Cadaalada iyo u dhexnoqoshada bulshada ay u bixiyeen dhammaan qandaraasyadii dalka laga hirgaliyey oo si cadaalad ah loo kala saaray dhammaan Shirkadihii iyo Ganacsatadii Soo xeraystay araajida codsiyada.