Haweeneyda ugu taajirsan Afrika oo lagu eedeeyay musuq maasuq

Haweeneyda ugu taajirsan Afrika, Isabel Dos Santos, ayaa si rasmi ah loogu eedeeyay inay geysatay falal musuq maasuq ah, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha ku sugan Angola.

Xeer ilaaliyaha guud ee Angola,Helder Pitta Groz ayaa sheegay in eedeymaha loo jeediyay gabadhan ay la xiriiraan markii ay madax ka aheyd shirkadda dalkaas ee Sonangol.

Waxaa sidoo kale musuqa maasuqa lagu eedeeyay shakhsiyaad kale.

Helder Pitta Groz wuxuu ka dhawaajiyay in warqad caalami ah oo lagu soo xirayo Isabel Dos Santos iyo dadkan kale loo jarayo waa haddii ay isku soo dhiibi waayaan dowladda Angola.