Ingiriiska oo heshiis ganacsi la galay Afrika ka hor inta uusan ka bixin Midowga Yurub

Dowladda Ingiriiska waxay sheegtay in 11 heshiis oo ganacsi ah oo ay la gashay dalalka Afrika toddobaad uun ka hor inta aysan si rasmi ah uga bixin Midowga Yurub.

Waxaa la filaya in maanta uu Ingiriiska shaaca ka qaado istraatiijiyaddiisa horumarineed ee qaaradda kaas oo diiradda lagu saari doono kaabayaasha dhaqaale iyo arrimaha ganacsiga.

Tiro kamid ah hoggaamiyeyaal ka socdo Afrika ayaa magaalada London kaga qeybgalaya shirka Ingriiska ee ugu golleeyahay xoojinta maalgashiga gaarka ah ee Afrika.

Waana taallaabdii ugu weyneyd ee UK ko xoojineyso xiriirka ay la leedahay Afrika.

Waxaana sidoo kale looga hadlaya sidii lacagaha deeqaha loogu xoojin lahaa maalgashiga.

Waaxda horumarka caalamiga ah ee UK ayaa sheegtay in diiradda ay saarayaan teknooloojiyadda casriga ah, in shaqo abuur loo sameeyo dumarka iyo arrimo kale.