Koonfur Afrika : Maxkamad ka noqotay dacwad gabadh askariyad ah oo xijaabkeeda lagu haystay

Maxkamada militari oo ku taal dalka Koonfur Afrika ayaa ka noqotay dacwad loo heystay gabadh muslim oo ciidan ah taas oo aheyd inay diidday amar ah in xijaabka aysan xiran sannadkii 2018-kii xilli ay shaqo ku gudo jirtay.

Gabadhan oo lagu magacaabo, Faadumo Isaaq ayaa loo heystay dacwad ah inay amar diiddo sameysay isla markaasna aysan u hoggaansamin amar sharci ah.

Waxay arrintani ka dambeysay markii Faadumo ay diidday amar kasoo baxay taliyaheeda oo ahaa inay iska bixiso xijaabkeeda.

Maxkamadda militari oo ku taal meel u dhaw magaalada Cape Town ayaa u ogolaatay gabadhan inay xiran karto xijaabkeeda.

Warbaahinta gaarka loo leeyahay ee News24 ayaa barta Twiiter-ka soo gelisay Faadumo oo dhoolo caddeyneyso.

View image on Twitter