Madaxa guud ee BBC-da oo xilka iska casilaya

Madaxii guud ee BBC-da Tony Hall ayaa ku dhawaaqay inuu xilka iska casilayo kaddib muddo 7 sanno uu madax ka ahaa BBC-da.

Tony Hall wuxuu sheegay in go’aanka uu kaga tegay BBC uu ahaa mid adag.

Warqad uu shaqaalaha u diray ayuu ku sheegay inuu rumeysan yahay in BBC-da ay haatan meel sare joogto marka loo barbardhigo xilligii uu kusoo biirayay.

Tony Hall ayaa xilkan loo magacaabay sannadkii 2012-kii kaddib markii uu xilka iska casilay George Entwistle oo ahaan madaxii guud ee hore ee BBC-da.