Nin bilo ku dhex noolaa foosto si uu taarikh u sameeyo

Nin u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa muddo ka badan 2 bilood ku dhex noola foosto si uu taarikh u dhigo.

Foostada ayaa aheyd mid lagu taakeeyay tiir bir ah, waxay dhulka ka sarreysa ilaa 25 joog.

Ninkan oo lagu magacaabo Vernon Kruger ayaa lagu wadaa inuu galo buugga lagu xuso dadka taarikhda sameeyay balse sannadkii 1997-dii ayuu wacdaro dhigay markii 54 maalmood uu ku dhex noolaa foosatada.

Balse hadda wuxuu ku dhex noolaa foostada 67 maalmood.

Wuxuu barnaamijka BBC ee Newsday u sheegay in caqabadda ugu weyn ee ka heystay ku dhex noolaanshaha foostada ay aheyd hurddada maada uu ciriiri dareemayay.

“Ma iskala bixin karin, waxaan ku qasbanaaday in aan sidii ilmo ku jiro uurka hooyadii u seexdo sababta oo foostada ciriiri ay aheyd, marka aan soo kaco waxaan dareemi jiray xannuun” ayuu yiri Vernon Kruger.