‘Nin sitay 200 oo Dub-qalooc ah oo lagu qabtay garoon diyaaradeed’

Nin u dhashay dalka Shiinaha oo isku dayay inuu dalka Sri Lanka ka dhoofiyo ilaa 200 oo Dub-qalooc ah oo halis ah ayaa lagu qabtay hallkaas.

Ninkan ayaa Dub-qalooca ku dhex qariyay baakado caag ah, waxaana gacanta ku dhigay saraakiisha ammaanka ee garoonka diyaaradaha ee Colombo.

Mas’uuliyiinta waxay sheegeen in ninka uu qorsheynayay marka uu Shiinaha tego inuu sunta ka saaro ama kala baxo Dub-qalooca.

Ka ganacsiga xayawaanada duur joogta, dahabka iyo daroogada ayaa waxaa uu caqabad weyn ku noqday dowladda Sri Lanka.

Ninka safrinayay ilaa 200 oo Dub-qalooc ah ayaa lagu ganaaxay ilaa 550 doolar, waxaana loo ogolaaday inuu dalkiisa dib ugu laabto.

Social embed from instagram