Soomaali lagu dilay xero qaxooti oo ku taalla Greece

Wiil Soomaali ayaa ku dhintay rabshado ka dhacay xero qaxooti oo ku taalla dalka Greece. Qaar ka tirsan qaxootiga Soomaalida ee dalkaasi ayaa sheegay in dadka xerada ku jira oo dalal kala duwan ka soo jeeda ay mararka qaar rabshado ka dhex dhacaan.

Sayid Cumar Aadan oo ka mid ah qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool xero ku taala degamada Moorya oo u dhow deegaanka matalini ayaa sheegay in booliisku uu ku wargaliyey in wiilka Soomaaliga ahi uu ku baxay gacanta dhalinyaro u dhasay dalka Afghanistan.