Weerarkii Gantaalaha IRAN: “GANTAALO AAN WAX LAGU DILAYN, BALSE CID KALE DIGNIIN U AHAA!!” W/Q: Xuseen Adan Cige (Deyr)

Waxay ahayd arrin la wada sugayey in ay IRAN u aargudi doonto Sarkaalkeedii ugu magaca weynaa Taariikhda casriga ah ee dalka IRAN, Major General Qasem Suleimani; balse arrinta la is weydiinayey waxay ahayd: qaabkee ayaa loogu aargudi doonaa? Immisaana u dhiman doona AANADA Qassem Suleimani?

Weerarkii Gantaalaha IRAN ee habeenkii Arbacada 08/01/’20 ee lala beegsaday Saldhigyada Milatari ee uu Maraykanku ku leeyahay dalka Ciraaq, muu ahayn mid loola jeeday in lagu laayo Ciidamada Maraykanka ee ku sugan dalka Ciraaq, balse wuxuu ahaa weerar ay ujeedadiisu ahayd FARRIIN cad iyo DIGNIIN culus oo ay IRAN u diraysay Dalalka Carbeed ee Gacanka.

Haddaba, weerarkii Gantaalaha IRAN waxaad moodaa inay ahaayeen gantaalo hore looga sii ballamay meesha ay ku dhacayaan. Waxaad moodaa inay ahaayeen gantaalo aan la doonayn inay cidi ku dhimato ama ay geystaan waxyeelo baaxad leh. Warar aad isu soo taraya waxay sheegayaan in ay Dawlada IRAN u sii digtay Ciraaq iyo Maraykanka, ka hor intii aanay ridin dhawr iyo tobanka gantaalood.

Sarkaalka ugu sarreeya Ciidamada Cirka ee IRAN General AMIR ALI HAJIZADEH waxa laga soo xigtay inuu yidhi: “Ujeedada weerarkayagu may ahayn inaanu gumaadno Askarta Maraykanka. Haddii aanu doonayno inaanu layno Askarta Maraykanka ee ku sugan Ciraaq, awood ayaanu u lahayn inaanu werarkayaga 1-aad ku dilno ugu yaraan 500 oo Askari, ka 2-aad iyo 3-aadna waxaanu ku gumaadi karaynay 4000 ilaa 5000 oo Askari, laakiin maanu doonayn.”

IRAN hore ayay u tijaabisay una xaqiijisay inay Gantaalaheeda ku beegsan karto goob kasta oo ka mid ah Bariga Dhexe. Ugu yaraan 2000 km oo dhinac walba ah ayay IRAN Gantalaheeda ku duqayn kartaa. Tusaale cad waxaynu u soo qaadan karnaa laba weerar oo lagu eedeeyey inay IRAN ka dambaysay: 1) Markabkii Imaaraatka ee lagu weeraray Dekedda Fujairah; 2) Weerarkii sida cajaa’ibka ah loo qorsheeyey ee lagu weeraray Hawlbawlihii Warshadaha Saliida dalka Sucuudiga (Aramco oil plants at Abqaiq and Khurais).

Weerarkii Gantaalaha ee dalka IRAN ku weeraray Saldhigyada ay Maraykanka iyo xulufadiisu ku leeyihiin dalka Ciraaq waxay DIGNIIN cad u ahaayeen Dalalka Carbeed ee ku yaala Gacanka (Saudi Arabia, UAE, Bahrain) kuwaasoo xulufo la ah USA, muddo dhawna ku tala jira inay samaystaan xulufo carbeed oo ay ugu magac dareen ARAB NATO.

FARIINTA ay IRAN u diraysay Dalalka Carbeed ee Gacanka waxay ahayd: “HADII UU MARAYKANKU DIFAACI KARI WAAYEY SALDHIGYADIISII, MA IDINLA TAHAY INUU IDINKA IDIN DIFAACI KARO? Haddaba, ogsoonaada in Dekedihiina, Madaaradiina, Suuqyadiina, Goobaha Kaydka iyo Sifaynta Saliidu aanay nabad geli doonin.”

Guntii iyo gabagabadii:
Dilkii General Qasem Suleimani waxa ka dhashay XAALAD CUSUB iyo XIISAD HOR LEH oo ka bilaabantay Bariga Dhexe, taasoo Dunida ku yeelan doonta saamayn dhaqaale, mid siyaasadeed iyo mid nabad gelyaba.

W/Q: Xuseen Adan Cige (Deyr)