Xeer Ilaaliye Meel Kagaga Dhacay Shacabka Gobolka Gabiley iyo Been Abuur Uu Ka Sameeyey Sarkaalkii Ka Horeeyey.

Hargeisa(Gabiley):-Xeer ilaaliyaha gobolka gabiley xuseen cali kheyre oo ku sugan gudaha magaalada gabiley oo ka qayb galay xaflada loo qabtay xil wareejinta taliyaha qaybta booliska gobolka gabiley ayaa intuu mikrafoonka qaatay isagoo ku tiiq tiiqsanaya fagaaraha isla taagay hadal wada xanaf xajiin iyo aflagaado qaawan oo uu u geystay dadka isir ahaan ka soo jeeda gobolka gabiley.

Waxuu shacabka gabiley ku caayay kalmada ‘huuno’ ee halhayska ka ah gobolada galbeedka somaliland waxaanu ku tilmaamayaa dad habdhaqan liita oo bilaa sabab had iyo jeer iskaga dacweeya oo maqaaxiyaha ka caaya masuuliyiinta dawlada ee gobolka loo soo badalo.

Xeer ilaaliyihii hore ee gobolka gabiley haatana loo badalay oo ka hawlgala gobolka saaxil jamaal jaamac xaashi oo is baraxay warkaana beeniyey. “Xaasha ma geyaan shacabla xariirta ah ee ku dhaqan gobolka gabiley caydaa iyo aflagaadadaa ee reer somalilandnow maxuu noqonayaa xukunka xeer ilaaliye xadgudubka intaa leeg u geystay shacabkii loo xil saaray?”

Dhinaca Kale xukuumada somaliland iyo xafiiska xeer ilaalinta ayaan iska daa xaal marin ee aan xusin gefkaa iyo hadalkaa deelqaafka lagula kacay bulshada gabiley.

Halkan Hoose ka Daawo Muuqaalka Hadalka Xeer Ilaaliyahan Loo Bedelay Gobolka Jawaabta uu Ka Bixiyey Xeer Ilaaliyahan Uu Ka Been Abuuray.

https://youtu.be/iPXcx_SD1vc

Arintan ayaa xiisad ka aloostay oo ay ka xanaaqeen shacabka reer gabiley gudo iyo dibadba Oo ay dareen cadho leh kaga muujiyeen baraha bulshada ku xidhiidho sida facebookga.