Baarlamaanka Itoobiya oo meel mariyay sharciga ka hortagga wararka been abuurka

Baarlamaanka Itoobiya ayaa meel mariyay sharciga la dagaalanka wararka been abuurka iyo hadallada kala qeybsanaanta dhalin karo kaas oo muran badan dhaliyay.

Sharcigan ayaa looga golleeyahay in looga hortaggo wararka been abuurka ah ee lagu baahiyo baraha bulshada.

Dadka dheleeceeya sharciga ayaa ku tilmaamay mid dowladda ku dooneyso inay ku wiiqdo awoodda mucaaradka ka hor doorashada la filayo in sannadkan ay ka dhacdo Itoobiya.

Waa doorashadii ugu horreysay ee Itoobiya ka dhaceysa tan iyo markii uu xilka ka qabtay ra’iisul wasaare Abiy Axmed, wuxuu sameeyay isbaddallo dhowr ah isla markaasna ballan qaaday inuu dalka ka qaban doono doorashada xor ah.