“Waxay Ahayd Khudbad Kasbatay Quluubta Ummada Somaliland,Cadowga Jsl U Quus Goysay”. W/Q:-Xuseen Deyr.

Madaxweynaha JSL Mudane MUSE BIIXI CABDI, waxaan si kal iyo laab ah ugu Hambalyeynayaa Khudbad Sanadeedkii uu 18.02.2020 ka hor jeediyey fadhigii wadajirka ahaa ee labada Gole Qaran.

Waxay ahayd Khudbad loo soo agaasimay SI CILMIYEYSAN oo ay ku dheehan tahay FARSHAXANIMO QORAANIMO. Waxay ahayd Khudbad ay ku dheehan tahay Khibrad iyo Waayo-aragnimo Aqooneed, mid Taariikheed, mid Siyaasadeed, taasoo laga dheehan karayey Sooyaalka Halganka soo jireenka ah ee Ummadda reer Somaliland.

Madaxweynuhu Khudbadiisa wuxuu kaga hadlay Arrimo badan oo mudnaan iyo muhimad gaar ah u lahaa Shacabka JSL, arrimahaasi oo ay ka mid ahaayeen: Dhaqaalaha, Wax-soo-saarka, Nabadgelyada, Ciidamada Qalabka sida, Arrimaha Bulshada iyo Siyaasadda Arrimaha Dibebadda, Wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya iyo Arrinta ay ummadda oo dhami u dheg-taagayeen ee IMAANSHAHA FARMAAJO EE SOMALILAND!!

Run ahaantii waxaan odhan karaa in Khudbada Madaxweynaha ee Sannadkani ay ahayd Khudbad si weyn u soo jiidatay Quluubta, Dhegeha iyo Indhaha dhammaanba qaybaha kala duwan ee Bulshada Somaliland. Aniga qof ahaan waxa si weyn ii soo jiitay SADDEX ARRIMOOD:

1. ARRINTA FURITAANKA URRURADA SIYAASADDA:

Madaxweynuhu wuxuu si ku dhac leh u qaatay go’aan cusub oo siyaasi ah oo saamayntiisa leh, oo uu doonayo inuu xal ugu helo arrimaha doorashooyinka muddo dhaafka ah iyo ismaan-dhaafka u dhexeeya saddexda Xisbi Qaran. Xiisaha iyo xamaasada ay arrintani leedahay waxaad ka garan kartaa sida Togan ee ay Bulshada Somaliland uga dareen celiyeen. Waa tallaabo yididiilo iyo rajo gelin karta cid kasta oo leh Han iyo Himilo Siyaasadeed balse heli kari waayeen salaan ay ka soo koraan Saaxada Siyaasadda. Dhinaca kale, waa arrin welwel iyo walaac ku abuuri karta Saddexda Xisbi Qaran, taasoo ay dhici karto in kuwo maanta ah Xisbiyo Qaran ay meesha ka baxaan!!

2. SOOYAALKA HALGANKA iyo TAARIIKHDA SOO JIREENKA AH ee ummadda reer Somaliland, laga soo bilaabo Xornimadii khasaartay ee 1960-kii:

Madaxweynuhu wuxu si WAAYO-ARAGNIMO iyo WAAYEELNIMABA LEH ayuu UMMADDA JSL u hoga tusaaleeyey heerarkii iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay. Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu si cad uga xog warramay sida hilowgii Soomaalinimo iyo wanaagii ay ummadda reer Somaliland ula tageen Koonfurta Soomaaliya; halkii iyaga loo abaal-gudi lahaa loogu bedelay hadimooyin qorshaysan, xaq-darro, xaqiraad iyo xasuuq abaabulan oo loo geystay ummadda JSL, taasoo ilaa maalinkaa maanta ah taagan.

Waxay ahayd Khudbad mudnaan gaar ah u lahayd Bulshada Da’ yarta Somaliland taasoo uu Madaxweynuhu si weyn u hoga-tusaaleeyay in ay da’yartu dhugtaan, ku baraarugaan oo ay dhaayo u yeeshaan Sooyaalka ma guuraanka ah ee Taariikhda ummadda Somaliland.

3. SAFARKA FARMAAJO EE SOMALILAND:

Arrintani waxay xamaasad iyo hadal hayn badan ka dhex abuurtay Bulshada Somaliland, taasoo noqotay arrin khatar ku ahayd jiritaanka, ku qanacsanaanta iyo ahaanshaha ummadda Somaliland ee soddon jirsaday. Madaxweyne MUSE BIIXI CABDI si ku dhac iyo geesinimaba leh ayuu Khudbadiisii ugu soo afjaray Khayaaligii iyo maaweeladii FARMAAJO ee beenta ahayd.

Madaxweyne MBC wuxuu ummadda JSL si dhab ah ugu sheegay inuu yahay Madaxweyne ku yimid codka shacabkiisa isla markaana ku shaqaynaya Rabitaanka iyo Dareenka ummadiisa oo dhan, cadow kasta oo isku daya inuu carqaladeeyo Dalka iyo Dadka Somaliland uu hoog iyo halaag kala kulmi doono; inta uu isagu talada dalka hayana aan Somaliland looga werweri karin.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan.

W/Q: Xuseen Adan Cige (Deyr)

ALLAH HA BARAKEEYO DADKA IYO DALKA SOMALILAND.