Deg Deg : Wasiir ku Xigeenka Arimaha Debada Soomaliland Oo Hadda Gabi Ahaanba Beeniyay In Madaxweynaha Soomaliya Uu Socdaal Ku Imanayo Soomaliland.

Hargeisa(GNN):-Wasiir ku Xigeenka Arimaha Debada Soomaliland Oo Hadda Gabi Ahaanba Beeniyay In Madaxweynaha Soomaliya Uu Socdaal Ku Imanayo Soomaliland.

Xukuumada Somaliland ayaa Been Abuur Iyo Riyo Ku Tilmaamtey Inuu Farmaajo Imanaayo Magalada hargeysa Wasiir ku Xigeenka Arrimaha dibada Somaliland Liiban Yuusuf Cismaan ayaa Sidan Ku Yidhi Qoraal Uu Bartiisa Twitter Ka Soo Dhigay Waxayna Uu U Dhignaa Qoralka Wasiir Ku Xigeenku ” Inuu Farmaajo Imanaayo Hargeysa Runtii Waa Riyo Iyo Hawlgal aan Suurta gal aan aheyn, Xukuumada Somaliland Waxey U Taagan Tahey Iney Difaacdo Madaxbanaanideeda Iyo Jiritaanka Xuduudaheeda Wax Kasta oo ay Ku kaceyso, Waxaan U mahad Celinayaa Shacabka Reer Somaliland ee Wadaniyada Iyo Qiimaha Badan” Ayuu Hadalkiisa Ku soo Koobey Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Dibada Somaliland Liiban Yuusuf Cismaan.