Gabar Soomaaliyeed Oo Guul kasoo Hoysay Is-reeb-reebka Feerka Olombikada Aduunka.

Ramla Cali oo ah gabar Soomaaliyeed oo dhalinyaro ah ayaa guul weyn ka gaartay gabar u dhalatay dalka Kenya oo lagu magacaabo Beatrice Akoth, waxa ayna gabadha Soomaaliyeed soo bandhigtay awoodeeda dhinaca feerka ah.

Gabadhan Soomaaliyeed ayaa kulanka kale ee feerka ah ee u balan san tahay sameyn karta taariikh weyn, waxa ayna gabdhan hadii ay guuleesato kulanka labaad ay ka qeyb gali doontaa ciyaaraha feerka ee Ciyaaraha Olombikada aduunka.

Ramla Cali ayaa hada qarka u saaran in ay noqoto gabadhii ugu horeesay ee Soomaaliyeed oo feeryahan ah oo ka qeyb gasha tartanka Ciyaaraha Olombikada Aduunka, waxaana gabadhan hada isha ku heysaa in ay gaarto guushaasi taariikhiga ah.