Golaha Ammaanka oo loo gudbiyey Warbixin ku saabsan Ammaanka Somalia & doorashooyinka”

Hargeisa(GNN):-Kullan gaarka ah oo ay golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka lahaayeen arrimaha Soomaaliya ayaa lagu soo geb-gabeeyey Magaalada Newyork ee dalka Mareykanka kaas oo diirada lagu saarey arrmo ay kamid yihiin,Siyaasadda,Amniga iyo doorashada la filayo inay dhacdo 2020 2021.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa Golaha Ammaanka waxaa uu u gudbiyey warbixin ku saabsan geedi socodka Ammaanka, Siyaasadda iyo Doorashooyinka Soomaaliya.

Khudbad Dheer euu Amb, James Swan ka jeediyey Kulanka gaarka ah oo ay golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka lahaayeen arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan gelisay in la meel mariyo hanaanka doorashooyinka ,isla markaana Qaramada Midoobey ay taageero ku siineyso.

“Sanadka 2020 wuxuu leedahay awood ay u noqon karto sanad isbedel ku keena Soomaaliya. Dhowr arrimood oo muhiim ah oo qaran ah ayaa la soo gabagabeeyey waxayna saameyn ku yeelan doonaan himilada Soomaaliya sannadaha soo socda ayuu yiri Amb, James Swan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasheeda caalamiga ah ay ku heshiiyeen ahmiyadaha ugu waaweyn ee ah inaysan in Soomaaliya ka dhacdo sanadka 2020 doorasho loo dhan yahay oo qof iyo Cod ah.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Wakiilka QM ee Arrimaha Soomaaliya in sidoo kale la sameeyay horumar la xiriira sharciyeynta muhiimka ah ee lagu xoojinayo qaab dhismeedka maaliyadda Soomaaliya, sida Sharciga Shirkadaha iyo Sharciga Maareynta Maaliyadda Dowladda. Miisaaniyadda 2020 ee uu ansixiyay baarlamaanku uuna saxeexay Madaxweyne Maxamed C / llaahi Maxamed ‘Farmaajo,kaas oo uu sheegay in uu ka tarjumayaa kobaca dakhliga ee joogtada ah ee dalka.