Halkan ka Akhriso-Warqad Wasiir C/laahi Abokor Maamulka Wajaale Kaga Dalbaday In La Siiyo Dhul Oon Gabi Ahaan Waxba Laga Ogaysiin Wasaarada Hawlaha Guud Iyo Xogaha Ku Lamaan’

“Damaca Wasiir C/laahi Abokor ee Dhulka Danta Guud+Dardarta Badhasaab Indho-balac iyo Dareenka Shacabka Deg Wajaale”

Hargeisa(GNN):-Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Jidadka somalland Cabdilaahi Abokor ayaa qoraal kasoo baxay xafiiskiisa Taariikhdu 21/10/2019 oo maamulka degmada tog wajaale uu kaga codsaday in dhul ay siiyaan wasaarada gaadiidka kaasi oo uu ku sheegay in wasaaradu xafiisyo ka dhisanayso.
Sidoo kale qoraalka kasoo baxay xafiiska wasiirka gaadiiidka ayaan wax ogaysiina lagu siinin wasaarada hawlaha guud iyo guryayta oo iyadu dhulka danta guud masuul uga ah xukuumada madaxwayne biixi.
Arintan ayaa guud ahaanba buuq iyo muran baahsan ka abuurtay gobolka gabiley gaar ahaan magaalada tog wajaale taasi oo sobobtay in ay isku dhacaan maamulka degmada tog wajaale iyo shacabka iyo ganacsatada magaalada wajaale oo iyagu ka hor yimid dhulka xabaalaha magaalada oo ay ku war heleen dhisme ay doonayso in ay ka hirgaliso wasaarada gaadiidku islamarkaana ay maanta dhagax dhigeen agaasimaha guud ee wasaarada gaadiidka iyo badhasaabka gobolka gabiley
Wasiirka wasaarad gaadiidka ayaa codsigiisa ku sheegay in wasaaradu doonayso dhul ay xafiisyo ka dhigato taasi oo iyana ka hor imanaysa dhulka maanta la dhagax dhigay oo ay ku sheegeen in uu yahay goob lagu kala wareejinayo alaabaha usocda itoobiya .
Dhanka kale badhasaabka gobolka gabiley ayaa soo saaray qoraal uu shaqada kaga joojiyay iskuduwaha wasaarada hawlaha guud iyo guryayta ee gobolka gabiley oo maalintii shalay ahayd warbaahinta ka sheegay in aanay waxba kala socon ka wasaarad ahaan muranka ka aloosan dhulka xabaalaha wajaale taasi oo keentay in badhasaabku si degdeg iyo cadho ka muuqato shaqada uga joojiyay isagoo sheegay in wasaaradu ogtahay cida la siiyay dhulka xabaalaha magaalada wajaale oo madaxwaynihii hore ee somaliland Axmed siilaanyo bixiyay in xabaalo laga dhigo.
Xogaha laga helayo muranka ka taagaan dhulka xabaalaha wajaale iyo doonista wasiir cabdilaahi abokor oo isagu adeegsanaya awooda badhasaabka gobolka gabiley ayaa tibaaxaya in wasiirku ka leeyahay dano aan wali soo shaac bixi oo lamid ah goobo laga hirgaliyay magaalada berbera oo ay leeyihiin koox dhalinyaro ah oo wasiir cabdilaahi abokor isku hayb hoose yihiin taasi oo qayb ka ah dareenada kala duwan ee ay qabaan shacabka ku dhaqan magaalada wajaale iyo xidhiidha danaha qarsoon ee wasiir cabdilaahi iyo badhasaab Indho Balac isku bahaysteen, iyadoo aanay jirin qorshe cad oo xukuumadu ka leedahay dhulka ay wasaaradu sheegtay in ay dhisanayso meel lagu kala wareejiyo rarka gawaadhida saaran iyo gaadiid ku socda dalka itoobiya.

Si kastaba ha Ahaatee Dalabka wasiir cabdilaahi abokor ayaa ah mid aan ku salaysnayn qorshe cad oo xukuumadu ka wada socoto taasi oo u muuqata in ay dano badan oo qorsooni ku lamaan yihiin, halka aan xataa qandaraaska uu wasiirku doonayo in lagu dhiso la marin wadadii sharciga ahayd iyo gudida qandaraasyada qaranka iyadoo wareegtadii kasoo baxay madaxwaynaha jsl lagu baahiyay in aanay wasaaradaha iyo haayadaha dawladu bixin Karin qandaraas ka badan 5000kun oo dollar balse waxaa gabi ahaanba baal marsan qorshaha wasiir cabdilaahi abokor ka leeyahay doonista dhulka wajaale.

Dhanka Kale Isuduwaha Wasaarada hawlaha guud iyo guriyeynta ee Gobolka Gabiley oo Shaqadeedu tahay masuuliyada dhulka Ayaa Isaga maanta uun loo wada geeyey Warqada Wasiir C.laahi abokor kagaga codsanayo maamulka wajaale dhulka iyo Warqada badhsaabka gobolku uu shaqada kagaga joojiyey, taas oo taariikhda warqada wasiir c/laahi abokor soosaaray aanu xaga sare ku sheegnay balse aaney gaadhin xafiiska isuduwaha oo ah wasaaraddii ku shaqada lahayd.

Halkan Ka Akhriso Warqada Codsiga Wasiir C.laahi Abokor iyo Warqada Shaqada uu Badhasaabku Shaqada Kagaga Joojiyey Isuduwaha Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Gabiley.

Lasoco qaybaha danbe iyo xogo dheeraada oo ku saabsan danaha qarsoon ee wasiir cabdilaahi abokor ka leeyahay doonista dhulka muranka culus ka taagan yahay ee magaalda wajaale