Ku dhawaad toban qof oo ku dhimatay dagaallada ka dhacay Galmudug

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhimatay dagaalladii maanta ilaa xaley ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, waxayna isugu jiraan ciidammadii dagaallamayay iyo dad rayid ah, sida ay BBC u sheegeen ilo xog-ogaal ah oo ku sugan halkaas.

Dagaalka si weyn ayuu u saameeyay magaalada, waxaana istaagay ganacisga iyo isu socodka gaadidka.

Waxaa sidoo kale xirmay isbitaalka guud ee Dhuusamareed kaddib dagaalka xooggan ee ciidammada Ahlu Sunna iyo kuwo dowladda ku dhexmaray halkaas.

Dhanka kale, wararka aan ka heleyno magaalada Guriceel waxay sheegayaan in ugu yaraan 2 qof oo ka tirsanaa ciidankii dagaallamayay ay halkaas ku dhinteen.

Wararka waxay sidoo kale sheegayeen in markii hore ciidammada Ahlu Sunna ay weerar ku qaadeen saldhigga ciidammada booliska ee Guriceel.

Waxaana haatan lagu soo warramaya in ciidammada dowladda ay dib ula wareegeen saldhiggaas kaddib dagaal culus oo ay la galeen ciidanka Ahlu Sunna.

Xaaladda Guriceel ayaa haatan degan inkasta oo ay xiisad ka taagan tahay magaalada.