Pakistan Oo Xukun Ku Riray Hafiz Mahamed

Maxkamada la dagaalanka Argagixisada ee dalka Pakistan ayaa shan sano iyo lix bilood oo xabsi ah ku riday ninka lagu magacaabo Xaafis Maxamaed Saciid oo dhidibada u taagay maleeshiyada la mamnuucay ee Lashkar-e-Taiba.

Mr Saciid oo dhowr sano u xiran dowlada Pakistan ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu maalgaliyo kooxaha argagixisada xiriirna uu la lahaa weeraro ka dhacay dalka Pakistan.

Xukunka oo ka dhacay arbacada maanta ah ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay qareenkiisa oo lagu magacaabo Cimraan Gill.

Hogaamiyaha kooxda Lashkar-e-Taiba ayaa dhanka kale lagu soo oogay danbi ah in uu ka ganacsado shixnadaha lagu iibiyo suuqa Madow.

Xukun ceynkani oo kale ah ayaa sidoo kale maxkamada argagixisada ee magaalada Lahore ku riday nin lagu magacaabo Zafar Iqbal, sida uu xaqiijiyay dacwad soo oogaha dowlada Pakistan ,Mr Cabdirauuf Wattoo.

Xaafis Maxamaed Saciid ayaa xukunka lagu riday waxaa ku qancin dowalada Hindiya oo ku eedeysay in uu ahaa maskaxdii maalgalisay weerar sanadkii 2008-dii ka dhacay magaalada Mumbai oo ay ku dhinteen inkabadan 160 Qof.