Shirkadda HASS PETROLEUM oo Sharciga la Tiigsanaysa Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland.

Hargeisa(GNN):-Shirkadda Shidaalka ee Hass Petroleum oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee Shidaalka Keena Somaliland, ayaa iska fogeysay eedayn uu wasiirka Hawlaha Guud Somaliland maanta ugu jeediyey shirkadda iyo maamulkeeda.

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee Somaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qamdi oo maanta saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in shirkadda Hass Petroleum qayb ka tahay dhaq-dhaqaaqyo amni-darro oo koox malleeshiyo-beeleed ahi ka wadaan deegaanno ka tirsan gobolka Buuhoodle.

Haseyeeshee, maamulka sare ee Shirkadda Hass Petroleum qaybteeda Somaliland oo saxaafadda la hadlay, ayaa ganafka ku dhuftay eedaynta Wasiirku u jeediyey oo ay ku tilmaameen mid aan xaqiiqda ku fadhiyin oo meel-ka-dhac ku ah ganacsigooda.

Guddoomiyaha Shirkadda Hass Petroleum, Cabdirisaaq Ibraahim Ataash, ayaa sheegay inay shirkad ahaan sharciga la tiigsan doonaan Wasiirka Hawlaha Guud haddii aanu keenin Caddaymo u markhaati-furaya eedaymaha uu ujeediyey shirkadda.

Warkan oo Faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose

 

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Guud ee shirkadda Hass Petroleum Cabdiraxmaan Khoor-shoof oo dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka Buuhoodle, ayaa isagoo ku sugan magaalada Muqdisho ka jawaabay eedaynta Wasiirka oo tilmaamay mid salka ku haysa is-afgaran-waa dhexmaray labadooda xilli ay labadooduba ku kulmeen magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.